Waa Tee Diyaaradda Yahuudda ee Ka Dhuumata Gantaalaha S-300..?

La Wadaag Asxaabtaada

Wargeys Ka soo baxa Vietnam ayaa shaaca ka qaaday sir ku saabsan wafdi laba geesood ah oo ka socday Mareykanka iyo Israel oo booqday Ukraine, ka dib cabsi yahuudda ka soo wajahday gantaalaha difaaca cirka ee S-300 oo dhawaan suuriya ay heshay.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

Sida xaqiiqonews ay soo tarjuntay, Warka ay heshay “Soho  News”  oo aan la sheegin ishiisa rasmiga ayaa tibaaxaya in wafdigii ka goobnaa Mareykanka iyo Yahuudda ay dalbadeen macluumaad walbo oo ku saabsan gantaalaha heerka sare ee difaaca cirka s-300.

Ukrain ayaa heysata koox gantaalaha s-300 ah  oo ah farsamadaii Midowgii Soviet,  ka dib tijaabooyin dhowr ah  waxaa ay wafdigii ogaadeen in diyaaradaha f-35 light oo ah diyaaradaha jiilka shanaad ay ka dhuuntaan gantaalahan.

Waa tuma diyaaradda F-35 A  ee ka mid ah tiknoolajiyadda Yahuudda, taasi oo awood u leh in ay ka dhuumato gantaalahan s-300  ee dhawaan ruushka siiyey Siiriya?

Qeybta hoose waxaa ku qoran macluumaad walbo oo aad ugu baahan karto in aad ka ogaato awoodaha F-35 A

Wadaha:     1

Dhererka:   51.4 feet

Xawaaraha ugu badan:    1.6 Mach (1,930 km/saacadii)

Balaca u dhaxeeya baalasheeda:   35 feet/ 10.7 m

Inta Ay baabi karto: 2,220 iyadoo isticmaaleysa shidaalka gudaha

Matoorka:  Pratt & Whitney F135

Culeyska ugu badan ee ay qaadi karto:     31,800 kg

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada