Taariikhda Qudus: Aqriso Waxyaabo badan oo aadan ka ogeyn Qudus

La Wadaag Asxaabtaada

Masaajidka Qudus waa mid kamid ah masaajida ugu waa weeyn Caaalamka, waana masaajidka sadaxaad ee ugu muqadiseeysan Islaamka, waa qibladii koowaad ee muslimiinta, waana goobtii laga dheelmiyey nabiga xabiibkeena Muxamed (SCW)Habeenkii Israa’ walmicraaj.

Xaqiiqonews-Wararka

Masaajidkuna wuxuu kuyaalaa xaafada Qadiimiga ah ee magaalada Qudus.
waa masjidkii 2aad ee ladhiso waxaana kahoreeyey oo kaliya masjidka xaramka waxana udhaxaysay muddo afartan sano ah.

Cidii ugu horeeysay ee dagta dhulkan falastiiniyiinta waxay ahaa yeen qoomkii la oranjiray (kancaaniyiinta) oo la sheego inay daganaayeen intii u dhaxaysay sanadihii 3000 ilaaa 1500 kahor dhalshadii Nebi Ciise (Cs).

Qoomkan waxay dhiseen magaladan Qudus oo loo bixiyey (Oorshaliin) oo macnaheedu yahay(Nuur Saliim) magaaladii Nuureysa.

Xiliyadaas kadib waxaa usoo haajiray dhulka falastiin Nebi Ibraahim (cs) isagoo deegaan saday halkaa waxaana uga danbeeyey wiilkiisii Nebi Isxaaq (cs) iyo wiilkii uu a woowaha u ahaa ee Nebi Yacquub (cs).

Intaa kadib waxaa lawareegay gacan kuhaynta magaalad Qudus (Faraaciyiintii) katalinjirtay Dhulka Masar, kadibna waxaa qabsaday (camaaliiqda) dadkii looyaqiinay, ilaa uu kafurtay Nebi Dauud (cs). kadib geeridii Nebi Dauud (cs) waxaa uga danbeeyey wiilkiisii Nebi Suleeymaan (cs) isagoo dib u dhisay masajidkan Qudus.

Nabi Suleymaan kadib Qudus waxa kasoo taliyay Boqortooyoyinkii Baabilyoon, Beershiya, iyo Roomaaniya, waxayna ku jirtay Gacanta Roomaanka ilaa Islaamku kala wareegay.

Khilaafadii Cumar Binu Khaddaab, Magaalada Qudus oo loo aqoon jiray iiliyaa waxaa furtay Muslimiinta oo uu hoggaaminyay Abaa-Cubdeydah Caamir Binu-Jarraax, wuxuna Cumar Magaceeda u bedelay Qudus, waxana uga dambeeyay Dowladihii Amawiyiinta iyo Cabaasiyiinta waxayna saldhig u aheed Islaamka iyo Dhaqanka Carabeed

Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.

Qarni iyo Bar kadib Magaaladu waxaa ku loolamay Dowlado yaryar oo Muslimiin ah waxayna ugu dambeyn gacanta u gashay Dowladdii Salaajiqada Sanadkii 1071-dii.

Qudus waxay markale marti-gelisay loolan u dhexeeyay Dowladihii Salaajiqada iyo Faadimiyiinta, waxaana xurguftaas ka faa’ideestay Kirishtanka oo Magaalada qabsaday kuna dilay in ka badan 70-Kun oo Muslimiin ah Sanadkii 1099-kii.

Sanadkii 1187-dii Miilaadiyada ayuu Salaaxu-Diin Al-Ayuubii Magaalada kusoo celiyay Gacanta Musliminta, kadib Dagaalkii Xidiin ee uu Kirishtanka la galay, wuxuna dib u dhis ku sameeyay Magaalada.

Markuu Salaaxu-Diin dhintay ayay Kirishtanku mar kale dib u qabsaden waxayna heesten 11-sano waxana kasoo celiyay Najmu-Diin Ayuub Sanadkii 1244-tii.

Sanadkii 1516-dii Falastiin waxay Gacanta u gashay Dowladdii Cusmaaniyiinta oo heeystay ilaa iyo Dagaalkii Koobaad ee Adduunka oo lagu jebiyay Dolwaddii Cusmaaniyiinta.
Dagaalkii Koobaad kadib Falastiin waxaa qabsay Ingiriiska wuxuna u sameeyay Ismaamul Gudaha ah oo uu Caasimad uga dhigay Magaalada Qudus, waxayna Qaramada-Midoobay Qudus u aqoonsaden Caasimadda Falastiin Sanadkii 1947-dii, waxaana Qudus xiliyadaas kusoo qulqulayay Muhaajiriin Yuhuud ah.

Sanadkii 1948-dii Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu isaga baxayo Falastiin oo aan laheyn Ciidan iyo Siyaasad dhisan, waxana jaaniskaas ka faa’ideestay Yuhuudda oo ku dhaqaawday Dowlad cusub oo Caasimaddeedu tahay Qudusta-Galbeed halka Qudusta-Barina ay Gacanta ugu jirtay Dowladda Urdun, waxana Qudus si toos ah ula wareegay Yuhuudda kadib Dagaalkii Lixda Maalmood socday ee dhex-maray Yuhuudda iyo Cabarta Bishii Juun ee Sanadkii 1967-dii.

Tirakoob la sameeyay 1948-dii Falastiiniyiintu waxay Magaalada ka deganaayeen 88.5%, halka Yuhuuduna ka deganed 11.5% kaliya.

Wixii xiligaa ka dambeyay Yuhuuddu waxay kusii fidayeen Magaalada ilaa Mareykanku u aqoonsaday Caasimadda Yuhuudda maantadan aaan joogno.

Qudus waa Magaalo Muslimiin, ha yeeshee Diimaha kala duwan waxay uga dhigantahay meel Barakeysan oo mudan in la hanto.

Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa.
Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah.

Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday xoog iyo Qori-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa.
walaalayaal Taariikhda Qudus laguma koobinkaro qoraal maalin iyo 3 maalin un lasmeeyey…. waana qadiyad muslim ee maahan qadiyad carbeed..

midn ogoow Qudus meesha aytaal Carabaa dhigtay marka, laxwalbaa shilinkeey isdhigdaa lagu qalaa. alle iyo rag un baase umaqan Qudus.

W/Q:Prof: Abdirahmaan Ahmed Alcadaala

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada