Waligaa ma is weydiisay sababta dad badan ay u gaareen wax walbo oo ay ku hamiyeen? Adiga ma isku aragta qof nasiib xun maxaa yeelay mar walbo hamigaada walax ayaa ka hor istaaga? haa Qof walbo waa uu gaari karaa wixii uu niyeysto.
Xaqiiqonews.com-
Waa in aad ka dhabeysaa wixii ay niyadaada jeceshahay, hadii kale waxa aad ku dul egaan doontaa halkii nolasha ay ku keentay.
Dadka intooda badan waxa ay jeclaadeen in ay noqdaan “dad caadi ah” sababtoo ah ma jecla in ay naftooda ku dhibaan dadaal dheeri ah, waxa ayna qaataan nolashooda iyaga oo u eg “Fuliyaal” waxa ayna ka cabsadaan in ay waxqabad sameeyaan, ma ahan kaliya fuliyaal sidoo kale waxa ay doorteen nolasha fudud ee “Caajiska”.
Adiga(hadii aad leedahay Hammi).. ka fagow nolasha caadiga ah, waa in aad laadaa kubbada nolasha si aad u gaarto heer cusub,.
Waxaad awoodaa in ka badan inta aad rumeysantahay, bilow in aad naftaada horumariso, bilow in aad maskaxdaada dib u borograamiso,.
Iska ilow wax walbo oo la soo dhaafay, ha ku mashquulin da,daada(duq maa tahay mise dhalinyaro), ha daneynin iskool ma aaday mise, waad ku guuleysan kartaa wax walbo, dib u bilow bog cusub, dibna u soo qor looxa, ha u ogalaan cutubkii koowaad ee nolashaada in uuu go,aamiyo qaabka ay u egaan doonto nolasha kuu harsan.
Guushu ma ahan cadow, waad sii ahaan kartaa fulay ku eg nolasha caadiga ama waxa aad noqon kartaa hogaamiyaha naftaada adiga oo u noolaanaya sida aad jeceshahay in aad u noolaato