Wadamada Dhulkaxiran ee Afrika.

La Wadaag Asxaabtaada

55- wadan oo afrika ay ka gooban tahay 16 ka mid ah waa kuwa micno aan laheyn sababtoo ah  waa wadamo dhulkooda xiran yahay,  heerka waxbarashada, ganacsiga iyo caafimaadkana waa mid hooseysa, arinkase xiisaha leh ayaa ah Soomaaliya ma ka mid tahay?

Xaqiiqonews.com-Wararka.

In aad ku nooshahay waddan “dhulxiran” macnaheedu waa in aad la nooshahay dhibaatooyin gaar aahaan culeyso xagga dhaqaalaha, isku socodka iyo  Internet-ka  oo xawaarahiisa hooseeya, hadii aan erayo kale kuugu sheego waddan dhulxiran waa waddan aan laheyn bad.

Afrika  waa qaaradda ugu badan ee leh waddamo dhulxiran taasina waa mid ka mid ah sababaha dib u dhaca Afrika,  Haa waad saxantahay hadii aad ku fikireysay Ethiopia, waana wadanka  ugu dadka badan ee ah Waddan dhulxiran dunida oo dhan.(Landlocked Country).

Waana kanaa liiska wadamada dhulkaxiran ee Afrika.

Botswana.

Burkina Faso,

Burundi,

Central African Republic,

Chad,

Ethiopia,

Lesotho,

Malawi,

Mali,

Niger,

Rwanda,

South Sudan,

Swaziland,

Uganda,

Zambia,

Zimbabwe.

Sababta ugu badan ee Afrika ay u leedahay wadamada ugu badan ee ka caagan badda, macnaheedu waa “Qaarad weyn”, kaliya wadamada ku yaalla cirifka ayaa leh bad, halka kuwa ku yaalla bu,da dhexe ee qaaradda ay yihiin waddamo dhulxiran.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada