Wadamada Horumaray !!

-

Sanadkii 2016 Go’aankii uu bankiga aduunka ku qaatay in uu baab’iyo magaca “wadamada horumaray” ma aheyn fikir qaldan, waana tan sababta oo faafaahsan.


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

Sanadkii 2016 markii bankiga aduunka uu ku dhawaaqay in uu joojiyey adeegsiga oraahda “wadamada horumaray”, waxa ay go’aankooda salka uga dhigeen in kalimadani aysan wanaagsaneen isticmaalkeeda marka ay timaado in la kooxeeyo wadamada aduunka.

Waxaa jira laba sabab oo waaweyn kuwaasi oo adeegsiga oraahdani ka dhigaya mid aan habooneyn.

1- Ururada caalamiga ah iskuma raacsana waxa ka dhigaya waddan “mid horumaray” ama mid dib u dhacay

Tusaale ahaan QM oo kale waxa ay oraahdan u isticmaashaa ilaa 159 dal, laakin wali oraahdu malahan qeexitaan rasmi ah.

2-Eraygani waxa uu inta badan kan ugu wanaagsan u aqoonsada nidaamka wadamada galbeedka.

Inta badan waxaa nagala dhaadhciyey in wadankii dhaqaale fiican uu ka mid yahay wadamada horumaray, tusaale Mareykanka, hase ahaatee ma ogtahay in Mareykanka uu hoy u yahay nus milyan qof kuwaasi oo xitaa aan helin karin guri ay ku hoydaan.

Mareykanka dhaxdiisa ma jiro daryeel caafimaad, tacliinta sare waa mid lacag qaali ah.

Sanadkii tagay wargeyska “the Telegraph” ee ingiriiska ka soo baxa ayaa qoray in gudaha UK ay ku noolyihiin in ka badan 4 Milyan oo qof kuwaasi oo ku nool “faqri daran” ama waxa ay iyagu ugu yeereen “deep poverty”.

Karoona iyo Wadamada Horumaray

” Mareykanka ayaa noqday waddanka ugu badan ee martigeliyey dadkii ugu badnaa ee dhinta Karoona Fayrus dunida oo dhan,waxaana dhimatay hadda in ka badan 5,600 oo qof “

Ma ahan Mareykanka oo kaliya goobaha ugu daran ee cudurka saameeyey waxaa ka mid ah Taliyaaniga, Ingiriiska iyo Spain.

Isku soo duub cudurka Karoona ayaa markale dunida tusiyey taagta waxa aan ugu yeerno wadamada horumaray, kuwaasi oo markii ay awoodi waayeen in ay si siman u daaweeyn bukaanadooda, qaatay go’aanno akhlaaq darro ah kuwaasi oo dadka lagu kala xulanaayo heerkiisa dhaqaale, da’da iyo ciwaankiisa shaqo.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...