Wafah Bin Laden Waxa ay ku dhalatay Kalifoorniya Mareykanka, waxaa dhalay Yaslem Bin Laden oo ah Walal isku aabo oo kaliya ay yihiin Sheikh USma Bin laden.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Wafaha oo ah fanaanad heysata dhalashada Wadamada Mareykanka iyo Switzerland, ay sheegtay in aysan waligeed la kulmin adeerkeed Usama Bin Laden, iyadoo sidoo kale sheegtay in aysan waligeed la hadlin aabaheed marka laga reebo hal mar.
Wafaha Bin Laden ayaa tiri “Magacan dambe ee aan wato dartiis ayey dadku qaar igu nacayaan”.
“Inkastoo aan leeyahay dhaqamada Mareykanka, haddana Sacuudiyaanka waa ay i necebyihiin ” ayey tiri Wafah.
Sidoo Kale Aqri Buugaagtan Waxaa Aqrisan Jiray Usaama Bin Laden..arag Ciwaanadooda
Wafah waa 25 jir asal ahaan ka soo jeedda Sacuudiga balse kuma hadasho afka Carabiga, mana lahan baasaboork Sacuudiyaan ah.
Wafah Bin Laden Hooyadeed Waxaa lagu magacaabaa Carmen(oo ay iska dhaleen aabo Switzerland ah iyo hooyo Iiraaniyad ah) waxaa guursaday Usaama walalkiisa ka weyn ee hantiilaha ah Yaslem Bin Laden, balse waxa ay is fureen sanadkii 2006.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa baahisay In Wafah Ay ka heesi doonto Xaflad ka dhaceysa London Arbacada soo socota, iyagoo sheegay in bil ka hor ay Wafah xaflad ka tuntay deegaanka Peckham ee dhaca koonfurta London.