Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Air Port ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale.
Soo dhoweynta oo aheyd mid aad u heer sareysay ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo garaacay astaanta Calanka Soomaaliya, iyadoo calamada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la is hareer suray garoonka diyaaradaha iyo banaankiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uga bilaabatay Addis Ababa booqasho qaran oo qaadan doonta labo cisho, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa booqan doono goobo kala duwan oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Federaalka Itoobiya.
Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Addis Ababa, isagoo Madaxweyne ah, waxaa uu horay u booqday isagoo Ra’iisul Wasaare ah sanadkii 2011.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ahaa mid aad u hooseeyay tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay horaantii bishii February, iyadoo xilligaas Itoobiya loo arkayay in aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa, si gaar ahna u taageersaneyd Musharaxiin kale.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu bog cusub u furo xiriirka labada dal, kaddib markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal, doorashadii Farmaajo.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya ayaa noqoneysa tii 6aad, sidoo kale waa dalkii labaad oo uu booqdo wadamada Gobolka ee deriska la ah Soomaaliya.