Wajiga Cusub Ee Kumaandooska Soomaaliya

La Wadaag Asxaabtaada

Galbeedka Turkiga waxaa tababar loogu soo xiray cutub cusub oo ku biiraya Kumaandooska gaarka ah ee Gorgor, cutubkani cusub ayaana leh tababar heer sare ah.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Gobolka Isparta ee galbeedka Turkiga waxaa tababar ugu soo idlaaday ciidan ku dhow 400 oo iskugu jira saraakiil iyo askar, kuwaasi oo tabar iyo laylin casri ah halkaasi ku qaatay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan dhawaan Dalka dib uga soo laaban doonaan, iyaga qeyb ka noqonaya ciidanka gaarka ah ee gorgor

يومكم سعيد من على سفوح جبال الأناضول حيث يتدرب الكوماندوز الصومالي

Posted by ‎الصومال بالعربي‎ on Monday, 22 February 2021

Wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa gilinkii dambe ee Isniinta baahisay sawirada askar ka tirsan kumaandooska Soomaaliya kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 330.

Marka la fiirayo qaabka tababarka, iyo hubka ay ku qalabeysanyihiin ciidamadan ayaa loo saadaalinayaa in ay isbadal ku sumeyn karaan ciyaarta ka socota Soomaaliya.

Inkastoo mucaaradad adag ay kala kulmayaan ciidankani qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, balse ciidankan ayaa u muuqda kuwa taageero buuxda ku dhax leh soomaalida isticmaasha baraha bulshada.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada