Wajiga Qarsoon Ee Youtubeleyda..Ogow Sirahan

La Wadaag Asxaabtaada

Sanadkii 2018 waxaan aqriyey warbixin ciwaan loogu dhigay “Maxey Youtubeleyda qalbiga uga gubanayaan” oo uu qoray website-ka “The Guardian, waxaana ku fikiray in Soomaalida maanta oo kale ay ugu baahi badan yihiin in laga hadlo ciwaankan.


Xaqiiqonews-Horumarinta nafta

Bishii July ee sanadkii hore, ninka ugu caansan Yuutuubleyda dunida oo dhan Felix Kjellberg kaasi oo hadda heysta in ka badan 101 Milyan oo sabiskaarabaris ah kuna soo gala youtube-ka “PewDiePie ” ayaa sharaxaad ka bixiyey cabsida uu ka qabo in uu iska dhaafo wax soo dhigista Yuutuubka maadaama sida uu sheegay jadwalka wax soo dhigista uu yahay mid aad u ciqaab badan.

Ma inkiro karno dhanka wanaagsan ee Yuutuubka, balse waxa kale oo muhiimka waxa ay tahay in aan ogaano xaqiiqda ah in Yuutuubley badani, ama kuwa hadda ku cusub Yuutuubka ay dayaceen waxbarashadooda, halka kuwa kalane ay la dhibaatoonayaan cudurro maxkaxeed ay ka qaadeen faallooyinka ay soo qoraan daawadayaasha.

Sidoo Kale Aqir: Daawo Muuqaalkii Ugu Horeeyey Ee Youtube La Soo dhigo

Inkastoo sababaha dadka u soo gaalaan Yuutuubka ay kal duwan tahay haddana waxaa jira laba sabab oo yuutuubleyda ugu badani ay ka simanyihiin kuwaasi oo kala ah.

Waxaan rabaa Caanimmo!

Maxmed Ghanaayim oo ah yuutuubar carbeed oo caan ah ayaa afkiisa ku qiray in qofka yuuberka ah uu maro seddex marxaladood, waxa uuna leeyahay “seddexdan xaaladood hadii aad weydiiso qof yuutuuber ah oo caan ah waxa uu ku jawaabi doonaa haa”

-Marxaladda koowaad: waxaa uu dareemayaa farxad iyo reereyn ku aadan caanimada uu helay.

-Marxaladda labaad: waxa uu uu yuuberka dareemayaa daal ku aadan howsha adag ee wax soo dhigista.

-Marxaladda seddexaad: qofka waxa uu gaarayaa xaaladda buburka isaga oo dareemaya daal, murugo iyo in uu ku iskaga tago yuutuubka.

Waxaa xusid in ay jiraan Yuutuubaris fara badan oo soomaali ah kuwaasi oo gaaray marxaladdan dambe ee murugada dabadeedna iskaga tagay Yuutuubka muhiimna ma ahan in halkani magacyadooda aan ku sheegno.

Isha Koowaad ee Lacagta

Sababo badan dartood waan kugu raacsanahay in yuutuubka laga sameyn karo lacago hase yeeshee soomaalida waxa ay horay ugu maahmaahday “Waxaan Day(fiiri) waxa soo socdana Day” taasi macnaheedu waxa ay tahay qofku waa in uu ku fikiraa waxa sanduuqa binaanka ka ah.

“Yuutuubka kuma siinayo in ka badan inta aad adiga shaqeysatay” ayuu yiri Maxamed Ghanaayim oo ah yuutuuber Falastiini ah.

Isagoo intaasi ku daray “in aad dakhli ahaan ku tiirsanaanto Yuutuubka waa arin aan fiicneyn maxaa yeelay yuutuubka ma ahan shay la isku haleyn karo oo daa’in noqonaaya”.

Yuutuuber Soomaali ah oo ku soo gala Yuutuubka “Dirisle Abdi” mar la weydiiyey su’aal aheyd “Maxaad jeclaan laheyd mustaqbalka in aad noqoto ma yuutuuber oo kaliya, ayaa ku jawaabay “jawaabtani maskaxdeeda waan ka raadiyey walina ma helin”

Dirisle ayaa yiri ” waxaan is dhahay yuutuuber ma iska sii ahaataa laakin maskaxdeydu waa ay diidantahay , Yuutuubka la iskuma aamini karo”

Marka si dhab ah loo hadlo Yuutuubka waxa uu noqon karaa goob aad ku noqoto caan ama aad ka shaqeysato lacago kuwaasi oo ku tiirsanaan doono hadba daawadayaal aadan adiga xakumin, waxaase muhiim ah mar walbo in qofka uu leeyahay isku dheeltirnaan nololeed inta uusan ugu dambeyntii gaarin dhibicda qowmamada(shalaayka).

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada