Waligaa Ma Isku Fiirisay Muraayad… Waa Kanaa Wixii Aad Aragtay

La Wadaag Asxaabtaada

Ma jirto hal gagabo oo dhaheysa “Sidan ayaad u egtahay”, dhamaan muuqaaladii aad ku aragtay Muraayadihii kala duwanaa ee aad isku fiirisay intii aad nooleyd, waxa ay ku tusiyeen natiijooyin kala duwan.

Xaqiiqonews.com-Saynis

Gabadha caadiga waxa ay isku fiirisaa muraayad in ka badan 10-jeer/maalinii, hase yeeshee dumarka qaar waxa ay ku waanlanyihiin muraayadda, iyagoo isticmaala muraayadaha wax ka badan tirada kore.

Dhamaan(Rag iyo Dumar) qof walbo oo naga mid ah ugu yaraan waxa uu leeyahay khibrad “Is eegis ah” waxaase dhacda in dadka qaar is weydiyaan su,aashan “Maxaa kala duway muuqaalkeyga, marka aan isticmaalo muraayada kala duwan ?

Hagaag, si looga jawaabo su,aasha kore waa in aan  is weydinaa su,aashan “Horta muraayadaha sawirka lagu arko ma yahay kii saxda ahaa ee adiga ku matalaayey?

Xasuusnow marka aad isku fiiriso muraayad waxa aad arkeysaa waa “Sawir kala kedisan”  hase ahaate marka ay dadka ku eegayaan waxa ay arkayaan “Sawir dhab ah” hadii aad muraayad isku eegta, qeybta bidix ee aad aragtaa waa qeybta midig ee sawirkaaga dhabta  ah.

Waxaa jira sababo dhowr oo aadan u aamini karin muuqaalka aad ku aragtay muraayadda in uu yahay kaga saxda ahaa.

Dabeecadda Miraayadda.

Muraayadaha waxaa sameeyey bani,aadamka sidaa darteed wili waxaa jiro cilado farsamo kuwaasi oo aan ogoleyn in la arko sawirka dhabta ah.

Dadka qaar waxa ay jecelyihiin in ay isku eegaan muraayad gaar ah, sababtoo ah muraayaddan waxa ay u muujisaa muuqaal ka qurxoon sawirka muraayadaha kale.

Waa qalad gabaryahey in aad ku hor oysa miraayad adiga oo u arkaya muuqaalka saxda ahaa ee adiga kaa tarjumaya, wili waxaa jira qaladaad farsamo oo dhanka miraayadda ah.

Dhinaca aad ka fiirisay

Sababta muuqaalkaada ugu kala duwan yahay muraayadaha waxa ay tahay in aad ka eegta dhinacyo kala duwan.

Marka aad muraayadda u sii dhawaataba waxa aad u sii egaan doontaa “Balaar”  sidoo kale waxaa saameyn kugu yeelanaya iftiinka, noooca iyo baaxadda muraayadda oo intaba wax ka badali doona muuqaalkaadi dhabt ahaa.

Fikirkaada.

Waligaa ma aragtay in aad ka  cabsato xaywaan gaar ah, tusaale “Yaanyurada” mararka qaar waxa laga yaaba in baakad ama shay meel iska yaala aad ka cabsato adiga oo u maleynaya “Mukalaal” sababtoo ah maskaxdeena ayaa had iyo jeer diyaar u ah in ay foojignaato, waxa ay noo muujisaa waxyaabaha aan ka cabsano xitaa hadii aysan jirin. si aan wax uga qabano cabsida jirta.

Hadaba dadka qaar ee ka cabsada in  wajigooda leeyahay “finan”  waxa ay arkaan finankii ay ka cabsanayeen islamarii ay isku eegaanba muraayad.

Waxaana laga yaaba in finanka aad muraayadda ku aragtay ay kuula muuqdaan kuwa ka waaweyn kana badan sida dhabta ah, sababto ah maskaxda ayaa bixineysa digniin.

Iska Ilow Muraayadaha.

Intaas oo dhan ka dib waxa aan filayaa in aad gaartay gagabo ah “Waxaan ka xoraabay muraayadaha” fadlan ha u ogalaan maskaxdaada in ay   kugu ciyaarto, waxaana jir waxyaabo ka badan muuqaalka oo aad ku sii jiidan karto dadka kugu hareereysan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada