WAR CUSUB: Israel Oo Wiil Falastiini Oo ay dishay KuSameysay arin Cajiib ah#Sawirro

-

Sheekadan ayaa waxaa la yaabay dhamaan dadkii aqristay,ka dib markii maxkamad ay leeyihiin ciidanka Gumeysiga Yaduuda ay soo rogtay dacwad ka dhan ah wiil falastiini oo ah oo ay horay u dileen ciidanka israel iyagoo jiirsiiyey baabuur.

ciidanka Israel ayaa ka dalbaday ehelada wiilkan in magdhaw laga siiyo qasaaro soo gaaray markii ay dilayeen marxuum Abdullah Ghunima oo ay dileen ciidanka Israel 3 sano kahor.

Askariga dacwadan wata ayaa sheegay in markii uu ku guda jiray dilka Abdullah Ghunima in ay ka dhuntay lacag dhan 27,000 {labaatan iyo todobo kun oo dollar} waxaa uuna ehelada ku soo dacweeyey in ay magdhaw siiyaan.

qareen u dooda arimaha xaquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Nayla Attieh ayaa tiri “dhacadadan waa tii ugu foosha xumeyd ee ay ku kacaan ciidanka gumeysiga abid taariikhda markii ugu horeysay”.

dhankiisa aabaha dhalay Abdullah Ghunima oo hadlay ayaa yiri “Wey na dilaaan maalin walbo ka dibna dunida waxa ay u gudbiyaan warar been ah laa yaab malahan mana ahan wax kadis ah in ay na dilaan ka dibna ay dalbadaan in aan lacag ka siino qofkii ay naga dileen”.

Ciidanka yahuuda ayaa dilay Abdullah Ghunima oo 21 jir ahaa bishii May ee sanadkii 2016-ka kadib markii baabuur la jiirsiiyey marxuumka ka dibna baabuurkii uu gadoomay{rogmaday} ,iyadoo meydka wiilka uu dul saarnaa qasnada jeebka askariga muddo seddex saacadood ah.


Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...