War Cusub Oo Aan Qorno Idinma Heyno !!

-

Abaaraha dalka, damaca Farmaajo iyo muranka doorashooyinka, xil ka qaadista gudoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo dallacsiinta saraakiisha booliska, dhammantood waa dhacdooyin nagu soo laalabtay mana jiro wax cusub oo dadka loo sheeko.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

QM ayaa digniin ka soo saareysa abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyadoo biyo la’aanta iyo cunta xumada ay gaareen meeshii ugu xumeyd muddo afar sano ah.

100 sano ee ugu dambeysay waxaa dalka Soomaaliya ku dhuftay abaaro kalaaftay nolasha malaayiin xoolo ah iyo kumunaan dad ah, waxaana ugu waaweyn: abaartii Jiitama ee dhacday 1945-kii, abaartii jimco baasto 1964-kii, tii dabadheer 1974-kii, abaartii cagabarar 1992-kii, abaartii siman 2011 iyo kuwa kale oo badan.

Sababa ugu waaweyn ee khubarrada ay u tiirinayaan sii badasha abaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah isbadalka cimilada.gaar ahaan isbadalka cimilada ee sida la sheegaayo uu sababay qiiqa warshadaha.

War kale oo arimahaasi ka duwan: CCW oo muuqaal kooban soo dhigay bartiisa Faysbuugga ayaa sheegay in ay qabaan walaac ku aadan qorsho ay wadaan kooxda Farmaajo kaasi oo lagu carqaldeynaayo doorashooyinka, si marmarsiiyo loogu sameysto “ku darasasho sharcdi darro ah”.

Dhanka kale Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Farmaajo ayaa dallacsiiyey Farxaan qoroole oo ka mid ahaa saraakiisha booliska arintaasi keentay in su’aal la iska weydiiyo sharciyad noocee ah ayuu Farmaajo u heystaa xil ka qaadis iyo dallacsiin.

Dhacdo kale oo xiriir la leh xil ka qaadis: guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashooyinka iyaga oo ku eedeeyey in uu ka baxay dhexdhexaadnimada.

Xil ka qaadista guddoomiyaha doorashooyinka ayaa imaaneysa maalmo un ka dib markii ra’iisal wasaare Rooble uu shaqada ka eryey 7 xubnood oo ka mid ahaa guddiga khilaafaadka ee doorashooyinka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...