WAR CUSUB:Maxaadan Ogeyn oo ka cusub Magacaabidda Golaha Wasiirada?

-

Iyadoo si weyn loo sugayo magacaabidda Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya war xiiso leh oo ku saabsan magacaabidda.
Wararka laga helayo xafiisyada Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay magacaabidda wasiirada, lana diyaariyay liiska xukuumadda.
Wada-tashiyadii ugu danbeeyay iyo gabagabeynta magacaabidda ayaa xalay oo dhan ka socday Villa Somalia, iyadoo ay waqti danbe isku gaareen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Liiska Golaha wasiirada ayaa hadda laga dhigay 25 wasiir, waxaana madaxweyne Farmaajo uu la noqday qorshihiisii ahaa 30-ka wasiir markii laga hor yimid, oo buuq badani ka dhashay sida beelaha loogu qeybinayo dhexdooda.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyn soo Diyaariyey liiskiisa, isagoo la-tashigii ugu danbeeyay la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka saacadood ee soo socota, waxaana yar isbedelka ku imaan kara liiskii ugu danbeeyay ay xalay isla qaaten madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...