WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Farmaajo oo hoteel kuyaal Adis Ababa kula kulmi doona Muuse Biixi…….

-

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa safar ku aaday magaaladda Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uu ku joogi doono booqasho labo maalin ah.
Safarka Farmaajo ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ximbaarsan yahay arimo waa weyn oo ay ugu weyn tahay siyaasadda uu kala hortagayo Itoobiya.
Laakiin ilo wareedyo kale oo la helay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Adis Ababa inuu la kulmi doono siyaasiyiin ka socota Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in musharaxa madaxweynaha Somaliland ahna madaxa xisbiga taladda haya ee Kulmiye, Muuse Biixi ayaa tagaya magaaladda Adis Ababa si uu ula kulmo madaxweyne Farmaajo.
Kulankan ayaa ka dhici doona hoteel kuyaal magaaladda Adis Ababa, waxaana labadaan masuul ay kulmaan ka shaqeeyay Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullahi Cumar.
Arimaha la filayo in Muuse Biixi iyo Farmaajo ay ka wada hadlaan ayaa waxaa kamid ah sidii dowladda Soomaaliya ay ula socon laheyd siyaaasadda Somaliland iyo doorashada dhaceysa dhawaan, Muuse Biixi ayaana la filayaa inuu taageero ka dalbado dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa iney dhawaan cadeyso qaabka uu ku bilaabanayo wadahadalka Somaliland.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...