[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Labo qarax oo waaweyn ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadan ay ka dhaceen meel ku dhow garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ka dhashay baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay. Dhawaqa qarax xoogan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa waxa ay wararka sheegayaan inay ahaayeen kuwo lala bartilmaameedsanayay Hotel Peace oo ku yaal meelku dhow xarunta Xalane. Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxyadan, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]