War deg deg ah rag hubeysan oo alshabab ka tirsan oo gudaha u galay garoonka diyaaradaha ee……….

La Wadaag Asxaabtaada

Ciidamo Hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa weerar culus ku qaaday goor dhow Garoonka Diyaaradana Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo.
Weerarka oo gaadma ahaa ayaa markii dambe xoogeystay oo isku bedelay Mid fool ka fool ah oo leysku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmada.
Warar hoose sheegayaan in Ciidamada Itoobiya khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed uu ka soo gaaray dagaalkaasi.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada