War deg deg ah Ra,iisal wasaare xasan cali cali kheyre oo iska casilay xilkii……………

-

Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa iska casilay xilkii iyo shaqadii uu ka hayay Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhigeedu yahay magaalada London.
Xasan Kheyre ayaa ka mid ahaa madaxda shirkaddan isagoo hayay madaxa qeybeedka Bariga Afrika, waxaana isla saakay markii xilka loo magacaabay uu qoraalka is casilaadiisa u qoray Shirkadda.
Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa shirkadda ku alahaa saami gaaraya 1.1%, kaasoo qiimihiisa lagu sheegay inuu dhamaa 2 Milyan oo doolar, laakiin waxaa si degdeg ah maanta looga saaray saamigiisa.
Lacagta mudane Kheyre ayaa la filayaa in dib loogu celiyo, inkastoo aanu weli baarlamaanka siinin codka kalsoonida, waxaa haddana rajo badan laga qabaa inuu helo doono, soona dhisi doono xukuumad cusub.
Shirkadda ayaa ku dhawaaqday inuu Xasan Cali Kheyre iska casilay xilkii uu shirkadda ka hayay waxayna laba ka mida madaxda shirkadda ku amaaneen kaalintii uu kasoo qaatay shirkadda.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...