War Farxad U Leh Dadka Qaba Kansarka Xameetada

-

Koox cilmi baarayaal ah ayaa soo helay qaab fududeyn karta in daawo loo helo kansarka xameetada


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Cilmi baarayaal ka socday waddanka Biritan ayey u suuragashay in ay soo ogaadaan hidde-sidaha GREM 1 kaasi oo quudiya faafitaanka kansarka xameetada, arintaasi oo suurtagal ka dhigeysa awood loo helo xadididda goritaanka dagdaga ah ee burada.

Kansarka xameetada waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwa ugu badan ee sababa dhimashada adduunka, tusaale ahaan daraasaduhu waxa ay leeyihiin 1 qof oo kaliya ayaa gaara 5 sano 20-kii qof ee laga helo kansarkan.

Barfasoor Aksel Behernes oo ka tirsan machadka cilmi baarisyada ee Ingiriiska oo faallo ka dhiibtay iktishaafkan cusub ayaa yiri “waa iktishaaf muhiim ah oo alabaab cusub u furaya daawo u helidda kansarka xameetada”.

Waxa uu intaasi raaciyey “annaga oo ka faa’ideysaneyna aqoontan cusub, waxa aan kansarka ka dhigi karnaa mid sardhaban ah oo fudud kaasi oo mustaqbalka daawo loo heli karo”.

Marka la fiiriyo goobta uu dhaco xameetada oo ah meel u dhaw xubno muhiim ah sida beerka iyo mindhiciirada, faafitaanka burada waxa ay kordhineysaa halista bukaanka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...