Faah faahino Cusub ayaa ka soo baxaya Qof shacab ahaa oo lagu dhax dilay Galabta Xabsiga ku yaalla Magaalada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Qofka xabsiga lagu dhax dilay ayaa ahaa sida la xaqiijiyay Darawal tagsiile ah waxaana xabsiga ku dhax toogtay Darawalka Askari ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland.
Marxuumka Tagsiilaha ahaa ee la toogtay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Jeeri horeeye kaas oo caan ka ahaa Magaalada Baled xaawo ee Gobolka Gedo.
warar ayaa sheegay in Askariga Nabadsugidda ee Jubbaland ee dilay qofka shacabka ah sidoo kale in uu ahaa ilaalalada Mid ka mid ah wasiirada Maamulka Jubbaland wallow magaciisa aan helin.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
WAR UGUB AH: Ciidamada jubbland oo dil laga naxo ku sameeyey Darawal#aqriso sababta
-