Wararka VOA Ma yihiin Kuwa Dheeli tiran ?

-

Waxaa jira dhageystayaal badan oo ku xiran idaacaddan. balse dad badan ma oga Maxey u taagantahay VOA?

Xaqiiqonews-Wararka

Gabar u shaqeysa VOA ayaa mar ay ka jawaabeysa isla su,aasha kore waxa ay tiri “Waxa aan ogahay in wariyaasha VOA marka laga hadlo xaqiiqda ah in VOA ay tahay Baahin Ay leedahay dowladdaMareykanka oo loo isticmaalo Propoganada in ay diidaan oo ay isku muujiyaan in ay yihiin kuwa dhexdhexaad ah”

Waxa ay raacisay “Xaqiiqdii si adag ayey u shaqeeyaan si ay u xaqiijiyaan in warka uu yahay mid isku dheeli tiran, sababta ay sidaasi u sameeynayaan waxa ay tahay in aanan lagu caalaamdeyn hal dhinac in ay yihiin oo kale”

Gabadhan oo la soo shaqeysay VOA-da ayaa leh VOA marka si dhab ah loo hadlo waa caqliyad Mareykan, hase ahaate waxaan leenahay xorriyad saxaafad iyo xoriyad hadal oo aan ku sheegi karno wax walbo oo aan rabno” .

Donna Halper oo ah qabiir saxaafadeed ayaa isagan ku jawaabay VOA waxa ay u adeegtaa Mareykanka taasna ma ahan mid xun”.

Siyaasi ka faalooda siyaaasadda dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Noam Chomsky waxa uu aaminsan yahay “Danbiga ugu weyn ee been ah oo la sheego in uu yahay in Beenta lagu qaso run, si warka oo dhan uu u muuqdo mid run ah”

“Boqolkiiba boqol VOA waa baahin Propoganda ah, wax badan kama duwan warbaahinada Fox News iyo CNN, waxa ay inta badan isku dayaan in si reer magaalnimo ah ay u difaacaan Qaladaadka Mareykanka” waxaa sidaasi sheegay Chan Yu-Xiang oo ah ka jawaabay su,aasha ah VOA warkeeda ma yahay mid dheeli tiran.

Soomaaliya Waxa ay ka mid tahay wadamada bartilmaameedka u ah Mareykanka waxaana sanadkii 2007-da dib loo howlgiliyey laantii af-ka soomaaliga ee VOA-da, waxaana jira dhageystayaal badan oo ku xiran idaacaddan, dadka ugu badan ee dhageysta waa dadka degan tuulooyinka ee aan heysan Internet iyo Television kuwaasi oo isha kaliya ee ay warka ka helaan ay tahay Idaacadahan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...