Warbaahinta Imaaraatka Oo Si Aan Horay Loo Arag Kaga Hadlay Guushii Qadar

Wargeyska Al-bayaan ee Imaaraatka ka soo baxa ayaa isticmaalay Qaab ka baxsan anshaxa saxaafadda , mar uu wargeyska ka hadlaayey guushii Qadar ee koobka Aasiya.

Xaqiiqonews-Ciyaaraha

Wargeyska Marka la fiiriyo qaabka uu hadlay waxa ay u muuqatay “Aargoosi”, dhamaan qoraalka wargeyska marna ma soo hadal qaadin kooxda guusha heysata ee Qadar.

Wargeyska ayaa isticmaaalay ciwaankan “Jabaanka oo ugu dambeyn guuldarreystay !”.

 

Dad badan oo  isticmaal baraha bulshada ayaa falcelin badan ka muujiyey qaabka cajisan ee Imaaraatka u hadleen guusha waxaana dadka ay weydiyeen “Hadii jabaan guuldarreystay yaa guuleystay ?! .

Dadka qaar ayaa su,aal ka keenay Istiraatiijiyadda cusub ee gabbaadka ay ka dhigteen warbaahinta Imaaraatka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA