Warbaahinta ISra,il oo Baahisay Sir Culus oo Ku Saabsan Sababta Trump go,aankan U qaatay

-

Trump ayaa dhawaan qaatay go,aan gilgilay guud ahaan caalamka gaar ahaan Wadamada bariga dhexe ka dib markii iclaamiyey sida uu doonaayo in uu fuliyo balan qaadkiisii ahaa in qudus laga dhigo caasimada isra,il islamarkaana safaarada mareekanka loo raro halkaasi.

“Chanel10” OO ku hadla afka cabraaniga lagana leeyahay dalka isra,il ayaa baahiyey in aysan suurta gal aheyn in turmp uu si iskiis ah iskaga qaato go,aan ku saabsan in Qudus laga dhigo caasimadda yahuuda hadii uusan taageero ka heli laheen wadamada Sacuudiga iyo Masar oo sida uu Chanel-ka Sheegay iftiin cagaaran u daaray madaxweyne Trump.

War hoose oo la helay ayaa sheegaya in madaxweynaha falastiin maxamuud cabaas uu taleefoonka kula soo hadlay madaxweyne Trump oo ku wargeliyey in qudus ay tahay caasimada Isra,il hase haate cabaas ayaa dhankiisa ku jawaabay halista iyo raadka ay reebi karo go,aanada noocan ah iyo sida ay u carqaladeyn karto wadahadalada nabadda.!

Aqalka Cad ee mareekanka ayaa Qudus u aqoonsaday caasimada yahuuda Sanadkii 1995-kii hase ahaate waxaa mar walbo go,aanka dib u dhigayey madaxweynayaashii xukunka iskaga daba danbeeyey oo iyaga codsaday in dib loo dhigo go,aankan si kastaba ha ahaatee Trump ayaa hadda u muuqda in meel marinaayo mid ka mid ah riyooyinkii aqalka cad.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...