WARBIXIN: Afarsano ka dib Maxey ka dhaxleen Beelaha Jubbland Maamulka Axmed Madoobe

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Kismaayo waa xarunta gobolada laysku yiraahdo jubbooyinka oo ah gobolada uu maro wabigga JUBBA waana seddexda goboln ee kala ah
Jubbada hoose,jubbada dhexe iyo gobolka gedo.
Goboladan oo intooda ugu badan hadda gacanta ugu jirta alshabab ayaa waxaa ka jira maamul Magaciisa khilaaf badan ka taagnaa balse markii danbe caan ku noqday magaca ah”jubbaland”
Waxaana maamulkani Jubbland gacanta ku haaya axmed madoobe oo markii labaad si afduub oo kale ah ku qabsaday jagada madaxweyne ee maamulka jubbland
Dhulka loo yaqaan jubbland oo ah seddexda gobol ee aan kor ku soo xusnay waxaa dagga beelo badan oo soomaaliyeed waxaana la dhihi karaa waa gobolada ugu is dhaxgalka badan marka la eego xagga beelaha wada dagga jubbooyinka.
Waxaana jubbland laga heli karaa dhamaan beelaha shanta ah ee soomaaliyeed balse axmed madoobe ayaa isku daya in uu jubbland ka dhigto mid uu ku ilaaliyo danaha beeshiisa Ogaadeen ee jubbooyinka.
Muddadii afarta sano aheyd ee Axmed madoobe xilka uu haayey ma jirto waxqabad la taaban karo oo shacabka reer jubbland ay heleen iska daaye caqabada hor leh ayaa ay la kulmeen dadka reer WAAMO
Si axmed madoobe u suurtageliyo qorshaha deegaameysiga ayaa waxaa uu sameeyey tallaabooyin u suurtagelin kara waxaana ka mid ah dhaqamadii reer jubbland axmed madoobe ka barteen muddadii uu xilka haayey
1-in la iska xiro ama la dilo dadka shacabka ee kismaayo asalka u dagan waxaana beelaha ugu badan ee axmed madoobe uu bartilmaameedka ka dhigtay ka mid ah Mareexaan iyo Gaaljecel.


2-Ciidamada ugu badan ee jubbland waxa ay ka soo jeedaan Kilinka shanaad iyo NFD ilaa haddana ma jirto ciidmado isku dhaf ah oo jubbaland ay leedahay taasi oo keentay in sifo dhaqamo xumo leh ay ula dhaqmaan shacabka ka soo jeeda beelaha kale.

ciidamada jubbland oo dumar qaab anshax xummo ah u baaraya

3-in layska daldasho canshuuraha deggada kismaayo waxaana dhowrkii sano ee Madoobe xilka haayey caanshuurta deggata kismaayo iska dhuuxaya ciidmada Kenya oo iyaga meesha ku waardiyeeya axmed madoobe.
Inkastoo muddo badan laga joogo markii axmed madoobe xilka qabtay hase ahaatee marka La eego gobolada jubbooyinka inta ugu badan waxa ay gacanta ugu jiraan xarakada Al-shabab iyadoo gobolka jubbada dhexe gabi ahaanba al-shabaab maamulaan.

Dhanka kale Ciidmada Kenya oo caawiya Axmed madoobe ayaa bilihii ugu danbeeyey dib u dhac badan kala kulmay aagagii dagaalka waxaana Kenya dagaalkii ceelcadde ee xasuuqa badan loogu geystay ka dib ay ciidamadooda faarujiyeen dhul badan sida degmooyinka Badhaadhe, jaamaame iyo sidoo kale deegaano badan oo ceelcaddaba ka mid tahay.
Marka la isku soo duubo xaaladda shacabka reer jubbland ayaa taagan meeshii ugu xumeed abid waxa ayna shacabka marka aad la sheegeysato kuu sheegayaan sida loogu baahanyahay is badal muuqda.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...