Maleeshiyaadka Shiicada ee Xuutiyiinta Yemen, ayaa dhowr jeer ku faanay in ay drones ku duqeeyaan gudaha sacuudiga.
Maalintii Shalay aheyd ayaa Websiteyada taageera Iiraan waxa ay baahiyeen Warar sheegaya in diyaarado laga soo diray Yemen ay duqeeyaan Garoonka Magaalada #Abha oo dhaca xaduuda Sacuudiga iyo Yemen.
Hadaba hoos KA aqriso Qaar ka mid ah macluumaadka Diyaaradaha Drones-ka ee Iiraan sameysay ee ay Xuutiyiinta Isticmaalaan.
Magaca Drone-ka: Qaasif 1
Dhererka body-ka diyaaradda: 250 cm
Dhererka Baalasha: 300 cm
Waqtiga Duulimaadka: 120 Daqiiqo
Fogaanta ay Biibi karto 60 Km
Nooca Motoorka: Banziin
Xamuulka ay Xambaari Karto: 2KG
Marka La tixraaco macluumaadkan oo ay baahiyeen xitaa Warbaahintooda Dagaalka, Diyaarad sidan u tayo yar ma ahan mid ku filan in duqeyn lagu fuliyo.