Warbixin Macluumaad Xanbaarsan”Maxaa Alshabab Ugu Duugan Ceelbuur”

-

Si la MId ah Degmooyinka kale ee kooonfurta iyo bartamaha soomaaliya waxa ay alshabab lumiyeen heysashadoodii ceelbuur balse ka bixitaankii Alshabab ee Ceelbuur waa uu ka duwanaa ka bixitaankoodii degmooyinka kale dhowr qodob oo hoos ku qoran darteed:
1_Alshabab ayaa Ceelbuur ku heystay shacbiyad badan waxaana arintaasi sahlay beelaha ceelbuur daga oo intooda badan alshabab taageera u muujiya waxaana beelaha maxamuud hiraab(Duduble) iyo Mursade ay yihiin beelaha ugu badan ee ceelbuur daga kuwaas oo xariir wanaagsan la leh alshabab waxaana daliil kaga filan markii alshabab ceelbuur ka baxeen waxaa degmada ceelbuur ku haray oo kaliya 18 qof oo soomaali ah kuwaas oo iskugu jiray askartii itoobiya la socotay iyo wardiyaasha iyo shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta.
2_Alshabab ayaa ceelbuur u arka Degmo muhiim ah oo sii adkeyn karta noolasha xarakada ee gobolka galgaduud madaama Gurciceel iyo Dhusamareb oo Galagaduud ka wada tirsan ay gacanta ku haayaan kooxda suufida ee la magac baxay”ahlu-sunna” arintaasi oo hadii alshabab ay ceelbuur gacan ku heynteeda lumiyaan ay ku sii adkaan doonta joogitaankooda galgaduud.
3-Ceelbuur waa Degmo xeebeed waxaana alshabaab ay u sahleysaa isku socodkooda xagga badda ee Degmooyinka xarardheere iyo ceelbuur iyo sidoo kale magaalooyin xeebeedka kale ee alshabab ay heystaan.
4_Ceelbuur ma ahan magaalo dad ilbax ah ay ku noolyihiin waa degmo dadkeeda ay ka fogyihiin magaalooyinka waaweyn ee soomaaliya waxaana ugu dhaw magaalada baladweyne oo boqolaal kilometre u jirta degmada ceelbuur arintaasi oo ay alshabab u arkaan mid faa,ido u ah xagga amaanka saraakiishooda.

Marka la fiiriyo qodoboada kore alshabab waxaa ku adkeed in ay ka samraan ceelbuur iyagoo dhowr mar soo qaaday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ilaa ugu danbeyn ciidamada itoobiya dharaar cad ay ka guuraan fadhiismihii ay ku lahaayeen ceelbuur waa kii wariyaha alshabab uu tiriyey gabay dulucdiia ahyed “xanuunkii ay xarakadu ku heysay lumintii ceelbuur isagoo gabayka ku sheegaya in itoobiyabanka aysan ka faa,idin ceelbuur madaama dadkii ceelbuur daganaa ay magaalada ka wada guureen.
Caano kama helin iyo cadiin lagu casuumaaye,
Iyo gabar cillaan saratoo cuud u shidataaye,
Waxa caasha loogaga hubsaday caaradii waran’e,
Ceel la helay wixii lagu eryado amase ceel qooxle,
Wixii lagu cirdeystoo rasaas lagu canaantaaba,
Ceel garas wixii miinadu uga cabaadsiido,
Jeexan wixii lagu ceyriyee lagu cagaagshaaba,
Dabqurun wixii lagu ceshado jeer cad ceed kulula
Wabxo cirifyadeeda wixii lagu ciqaabaaba,
Ciridkiyo wixii maartu ay cunaha jiidhaaba,
Calooshiyo wixii beerka ay uga cubnaataaba,
Calyo iyo dhiig iyo wixii carun ka hooraaba,
Waxay meyd cardaadiiqa ay cawo u yeeshaanba,
Carraabiyo jarmaadey galeen waana carareene,
Ciridiyo kuleylkiyo hurkey caga gubyoodeene,
Iyagoo culaab badan siday cuufta ku hayaane,
Cammarkii allaa naga weday aan citimineyne,
soomaalida waxaan ugu ciyaa oon cod ugu sheegi
reer ceelbuurka ceynkood noqda weyga cila dhaane.

si kastaba ha ahaate waa su,aal wali taagan qabsashada ceelbuur ka dib maxaa xigga?
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...