Haweeneyda lagu magacaab faith J. Glody oo isku tilmaamtay in ay tahay saxfiyad geesi ah oo ka shaqeeya u doodista xaquuqda qoyska ayaa baahisay muuqaal dood badan dhaliyey.
Haweeneyda ayaa ku soo daabacday boggeeda Tuwitter-ka hadal muran weyn keenay ka dib markii ay soo qortay”AADAANKA SALAADDA MUSLIMIINTA EE MAGAALADA BEYTU LAXMA ISLAAMKA WAA DIINTA RASMIGA AH EE MAGAALADA BYETU LAXM HALKAAS OO AH HALKII UU KU DHASHAY MASIIX#DOONISTII ILAAH”
HLKAN KA DAAWO MUUQAALKA HAWEENEYDA
Haweenaydani Fiath lagu magacaabo ayaa muuqaalkeeda ku soo dartay Aadaanka salaadda muslimiinta iyadoo dhaheysa”magaaladan(waa magaalada beytu laxm ee ku taal falastiin) waxaa qabsaday muslimiinta waana halkii uu ku dhasahy MASIIX”
Faith oo ka mid qoraayaasha websiteka THe Robel Media ayaa horay ugu mid ah saxafiyiin dhowr ah oo u safray isra,il safarkaasi oo uu ku tilmaamay websiteka Robel Media in uu ahaa safar xaqiiqo raadin ah.
Haweneydani ayaa horay oga soo muuqatay dhowr muuqaal iyada iyo saaxibadeed oo muujinaya sida ay oga carreysanyihiin in halkii u ku dhashay MASIIX ay noqoto meel ay muslimiinta ku badanyihiin iyagoo dhiiri geliyey in weerar cusub lagu qaado muslimiinta waxeyna tiri”taasi waa mid aan ka shaqeyn doonno magaaladaas ayaan ku noolaan doonaa waxaan ku dhali doona 5-12 caruur waa arin soo jiidasho leh in dadka tagaan magaalada halkaas ayaan ka sii wadi doonaa kala saarista xagga diimaha”
Muuqaalka ay soo duubtay haweeneyda ayaa ku soo dhamaanaya iyadoo ku dhawaaqeyska kalimadda”“Deus vult” oo micnaheedu yahay “doonista Ilaah” waana erey ay ku dhawaaqi jireen Saliibiyiinya(dadka aaminsan diinta karishtaanka) sanadkii 1095 marki ay dagaalada kula jireen muslimiinta.
Faith J. Glody”magaaladan waxaa qabsaday muslimiinta waana halkii uu ku dhasahy MASIIX isra,il waa in ay dib u soo ceshataa”
-