Wargeys Sacuudiyaan Ah Oo Ka Shakiyey Qur’aanka Kuna Baaqay in..

-

Wargeyska “iilaaf” ee ka soo baxa Sacuudiga kuna dhaw diiwaanka boqortooyada ayaa ku baaqay in dib loogu laabto oo waxna laga badalo usuusha sharciga ah iyo mas’alooyin fiqi ah, arinkaasi oo kiciyey hirar caro ah.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Zarzis Koleizadeh, oo ah qoraa ciraaqiyan ah kana tirsan majaladda Iilaaf ee ku dhaw diwaanka boqortooyada ayaa qoray warbixin uu ciwaan uga dhigaya “Baaq ku saabsan in dib loogu laabto qorista kitaabja Qur’aanka mar labaaad”

Koleizadeh ayaa marmarsiiya ka dhigtay dooda ku saabsan qaladaad ku jira riwaayadda “Rasmi al cuthmaani” الرسم العثماني , waxa uuna yiri “mas’alada koowaad baaq ayaan direynaa oo ku aadan in dib loo qoro kitaabka, maxaa yeelay riyaawada rasmi al cuthmaani, ma ahan mid umadda ku haboon xiligan casriga ah, gaar ahaan muslimiinta aan carabta aheyn sababtoo ah ku dhawaaqista ereyada oo ah qaab qaldan-sida uu aaminsanyahay.

Sidoo Kale Aqri..Daawo Ibliiska Sacuudiga iyo Bilowga Ramadaanka

Qoraaga isaga oo ka shidaal qaadanaya wixii ku dhacay masaajidda xiliga Karoonaha, waxa uu ku baaqay in dib loogu laabto usuusha sharciga ah iyo mas’alooyin fiqhi ah.

Wargeyska Iilaaf oo ka mid ah kuwa ugu dhaw diiwaanka boqortooyada ayaa dhaleeceyn xoog leh kala kulmay dadka.

Yasser Azaa’trah oo ah ka faalooda siyaasadda ayaa soo qoray “doqonimada waxa ay mareysaa meeshii ugu sareysay, wax badan waa soo socdaan”.

Qoraa Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Axmed bin Raashid ayaa isna soo qoray “Hadii caqliga lala barbardhigaayo kitaabka alle..maxaa haray?

Dhankiisa bog ay ugu qorantahay ” (نحو الحرية Ayaa qoray “Wargeyska Iilaaf oo uu gacanta ku haayo Maxamed Bin Salmaan saaxibkiis, waxa ay dalbaneysaa in dib loo qoro Kitaabka..Wax kale uma harin aan ka aheyn in ay dib u soo laabaan sanamyadii kacbada”.

Wararka U Dambeeyey

Muxuu Xasan Shiikh Usoo Dhaweeyey Ciidanka Mareykanka?

Maalin ka dib markii Xasan Shiikh loo dhaariyey madaxweynenimada, Biden ayaa oodda ka qaaday go'aan sii qorsheysnaa oo ciidanka...

Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa...

Maxay Mareykanka Ka Qabtaan Soomaaliya Inta U Dhaxeysa Soo Galis Iyo Sii Bixid?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Joe Biden ayaa saxiisay go'aan ciidamo Mareykan ah dib loogu celinaayo Soomaaliya, mana ahan markii...

Hindiya..Shimbirihii Oo Kuleyl Dartiis Dhulka Ku Soo Daadanaya!

Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed...

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...