Wariye Caan ah iyo Ganacsade oo labaduba Galabta Lagu toogtay magaalada………….

-

Aas-aasihii ahna madaxii Tv-ga luuqada Persiga ku hadla ee  Gem TV ayaa lagu toogtay magaaladda Istanbul ee dalka Turkey.
Saeed Karimian, oo ahaa 45 sano jir ayaa ayaa la toogtay xili ay isla joogeen ninka kasoo jeeda Kuweyd oo ay ganacsiga wadaagaan kaas oo isna geeriyooday.
Wararka ay boolisku sheegeen ayaa ah in weerarka lagu dilay wariyayhan loo adeegsaday gaari, kaas oo markii dambe la helay isagoo la gubay.
Mr Karimian ayaa kasoo cararay dalkiisa Iiraan halkaas oo ay maxkamad ku xakuntay lix sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay in warbaahintiisa ay tabisay warar been abuur ah.
“Kooxda dilka geysatay ayaa wajiga soo duubtay, waxaana ay rasaas ku fureen halkii ay ku sugnaayeen” sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiisha amaanka.
Qoyska uu kasoo jeedo wariyaha la dilay ayaa BBC usheegay in  Mr Karimian  uu wajahayay hanjabaadyo dil ah, qorshihiisana uu ahaa inuu si deg deg ah uga baxo Istanbul isla markaana uu aado London, waase la dilay.
Si kastaba, waxaa jira warar sheegaya in dilkaas lala xariirinaayo arimo ganacsi ama mid ay ka dambeeyaan kooxo calooshooda ushaqeysanaya.
Tv-ga ayaa xaruntiisa weyn ay ku taalaa magaaladda London, laakiin waxaa si weyn looga tabiyaa Dubai, waxaana Tv-gan oo ka koopban 17 kanaal qaarkood ay ku hadlaan Luuqadaha Kurdiga, Azeri iyo Carabig.

Wararka U Dambeeyey

Shiinaha Waxaa Uu Heystaa Doolar Ka Badan Inta Mareykanka Taal !

Shiinaha ayaa kaalinta koowaad ka galay wadamada adduunka ee heysta kaashka qalaad (lacagtooda mid aan aheyn), waxaana ku soo...

Faafaahin..PSF Oo Dhaxdooda Ku Dagaalamay Boosaaso

2-dii maalmood ugu dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ka dhacayey dagaalo culus oo u dhaxeeeyey ciidamo ka wada tirsan ciidamada...

Waa Kee Shayga Laga Helo Jikada Kana Wasakh Badan Musqusha?

Shaygan waa lagama maarmaan marka laga hadlaayo jikada, laakiin dad badani ma ogo sida uu halis ugu yahay caafimaadkeena,...

Sidee Xaawo Taako Iyo SYL Ula Shaqeyn Jireen Taliyaaniga?

Baraha bulshada waxaa bilwoday hadal heyn ku aadan: shakshsiyadda rasmiga ah ee Xaawo Taako waxaana la is weydiiyey:Xaawo taako...

Ka Dib Nus Qarni Uu Ehelkiisa Ka Maqnaa..Maanta Ayaa Dib Lo Heelay!

Mukhtaar Daahir Geedi oo ah oday 90 sano jir ah ayaa dib ula midoobay ehelkiisa oo nolol iyo geeri...

Waa Uu Hurday.. Ka Dib Waxa Uu Is Arkay Isaga Oo Dal Kale Jooga!

Mid ka mid ah shaqaalaha qaabilsan boorso qaadista oo ka howlgala madaar Hindiya ku yaalla ayaa si kadis ah...