Saxafiga Caanka Ah Ee Raage Cabdillaahi Oomaar Ayaa Muujiyey Sida Uu Uga Xumaaday In xafladdii Lagu Caleemo saarayey Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Lagu Casuumay Jeneraal Moorgan Oo Ka Tirsanaa Saraakiishii Sarsare Ee Xukuumaddii Kali-Teliye Maxamed Siyaad Barre Kuwaas Oo Loo Haysto Xasuuq Iyo Dambiyo Kale Oo Lid Ku Ah Bani’aadanimada.
Raage Oomaar Wuxu Barta Uu Ku Leeyahay Twitter-ka Shalay Soo Dhigay Sawir Uu Ka Dhex Muuqdo Jeneraal Moorgan, Waxaanu Ku Dul Qoray Ereyadan Af-Ingiriisiga Ah:
“Abdihakimainte,Yes… I Can See A Lot Of Disturbed, Upset And Uncomfortable People At This Ceremony“
Ereyadaasoo Macnahoodu Yihiin“Cabdixakiim Cayntoow, Haa Xafladdan Waxan Ku Arkaa Dad Badan Oo Laga Xumeeyey Jawiga, Caraysan Isla Markaana Ka Xun (Ag-Fadhiga Moorgan).”
Lama Oga In Uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Moorgan Ku Casuumay Munaasibaddan iyo In Ay Si Kale U Heleen Marti-Qaadka.
Wariye Raage Oomaar Waxa Lagu Yaqaan In Uu Ka Soo Warramo Meelaha Ay Muslimiintu Ku Nool Yihiin Ee Colaadaha Iyo Gummaadku Ka Socdaan Iyo Difaacidda Umadaha Islaamka Ah Ee Ku Dhex Nool Dadka Ka Tirada Badan Ee Diimaha Kale Aaminsan.
Wariye Caan ah oo sheegay in uu ka xumaa in GEN. Morgan lagu casuumo xafladii Caleemo saarka m. farmaajo
-