Wariye Ingriis ah Oo Leh “Dunida Halis Ayey Ku jirta!”

Warbixino lagu baahiyey saxaafadda ingiriiska ayaa tooshka ku iftiiniyey suurtagalnimada cudurro halis ah oo dunida ku soo wajahan.

Xaqiiqonews-Caafimaad

Saacado gudahooda ayuu cudurkani ku dilayaa 80 milyan oo qof, waliba wax ka yar 24 saac , sidaasi waxaa qortay jariidada Ingiriiska ka soo baxda “The Sun” iyada oo soo xiganeysa Madaxii hore ee hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Warbixinta ayaa waxaa ku jiray in cudurkani uu hoos u dhigi karo dhaqaalaha aduunka 5%, waxaa intaasi dheer isku dhax yaaca bulsho iyo fowdo ee cudurkani sababi karo oo ah mid aad u sareysa.

Sidoo Kale AqriDaawo..Ilbiriqsiyadii Ugu dambeeyey Wariye Jirraaq Ah Oo Tii Ugu Dambeysay ah!

Cudurkan ayaa sida la sheegay ah mid aad ugu eg cudurkii Hergab-shimbareedka, waxeyna hay’adaha caafimaadka ka digayaan qatarta cudurkani oo sida ay ku doodayaan aan loo sii diyaarsaneyn.

Warbixinta ayaa tiri “wey adagtahay in laga hortago cudurkani xilli dunida ay tiiceyso, tahriib, doodo siyaasadeed iyo dagaalo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA