Wariye —Waxaan Ahaa Addoon Galmo iyo Dhilo Yar!

La Wadaag Asxaabtaada

Wariyaha Janaalka Ameerikaanka ah ee Fox News, Ed Henry ayaa loo heystaa kufsi iyo xadgudub galmo.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Dacwada oo lagu qaaday magaalada Newyork ayaa eedeeyn u soo jeedisay maamulka tv-ga Fox News, madaama ay ku fashilmeen in ay qaab sax ah u waajahaan fal kufsi iyo galmo iskugu jira oo lagu soo eedeeyey wariye Henry , kiiskaasi oo dhacay 2017.

Eedeynta waxa ku jira dacwad ay soo gudbisay shaqaale ka tirsanaan jirtay tv-ga oo lagu magacaabo Cathy Ario, iyadoo sheegtay in ay isku day kufsi kala kulantay wariyaal caan ah oo ay ka mid yihiin Sean Hannity, Tucker Carlson, iyo wartabiyaha caanka ah ee Howard Kurtz.

Sida ay qortay jariidada Biritan laga leeyahay ee The Guardian, dacwadda ugu adag waxaa soo gudbisay shaqaalihii hore Jennifer Eckhart, iyadoo ku eedeysay Henry in uu ku ciyaari jiray isagoo ka dalbaday in ay u noqoto “adoon galmo iyo dhilo yar”, dhowr mar ayuuna ku eedeeyey in uu ka aarsan doono hadii aysan dalabkiisa fulinin.

Sidoo Kale Aqri..Wariye Caan Ah Oo Is Daldashay Sababtan Darteed

Waxa ay sheegtay in wariyaha uu xoog ku kufsaday, iyada oo ku xirxiran silsilad falka ayaana ka dhacay hoteel uu leeyahay Tv-ga oo lagu soo dhaweeyo martida.

Dhanka kale haweeneyda qareenka ay ee u doodeysa wariye Henry ayaa ku andacootay in Jennifer Eckhart ay raali ka aheyd xiriir galmo islamarkaana ay iyadu dhiirigelisay, waxa ayna sheegtay in Henry uu haayo sawiro iyo cadeymo arintaasi quseeya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada