Wasiirka warfaafinta sudan Axmed Bilaal ayaa sheegay in fircoonka lagu sheegay qur,aanka uusan ka soo jeedin masar balse uu yahay Suudaani.
Axmed bilaal ayaa hadalkiisa ku xoojiyey aayad qur,aan ah isagoo soo qaatay ayaada qur,aanka kariimka ee oraneysa ‘ونَادَىٰ فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَٰذِهِ الْأَنْهَارُ تَجْرِي مِن تَحْتِي ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ‘،
“fircoon ayaa ka dhax dhawaaqay qoomkiisa isagoo yiri:tolkeykiyow miyaanan laheyn boqortooyada misir miyeysan aheyn wabiyadan badan kuwa maraya hoosteyda. miyaadan wax arkeyn”.
Axmed Bilaal wasiirka warfaafinta sudan ayaa sheegay in masar uu maro hal webi balse ayaadda laga dheehanaayo in fircoon uu ku noolaa dhul wabiyo badan maraan maadaama fircoon ku noolaa dhul wabiyo badan sida qu,aanka sheegay masarna hal wabi maro sidaa darteed fircoon waxaa uu ku noolaa suudaan ayuu yiri wasiirka .
dhanka kale cumlimo badan ayaa jabaab ka bixiyey hadalka ka soo yeeray wasiirka suudaan waxaana ka mid ah ragga jabaabta adag ka bixiyey hadalkaasi Dr cabdiraxiim reyxaanii isoo sheegay in hadalka ka soo baxay sudan uu yahay mid aan laheyn daliil taariikheed ama diineed .
waxa uu yiri dr cabdiraxiim reyxaani”daliilka uu soo qaatay wasiirka suudaan ee ah in aayadda qur,aanku sheeegeyso webiyo badan oo fircoon ag maraayey balse masar hal webi oo kaliya maro jabaabta waa mid fudud waxaa jiray 7 farac oo ka tirsan wabiga Niil oo mari jiray Masar oo kala ahaa faraca Pelosi oo siinaa mari jiray iyo faracyada Altanata,Almndisi,Sbntina iyo Alblapta ,canopic iyo Alvatneta oo dhamaantood baaba,ay taaasi oo ay sabab u tahay korork Hoose ee wabiga iyo Kor u kaca heerka Rate silts-ka wabiga.”
Sida ku cad kutubada taariikhda ereyga fircoon ayaa ah kalmid naaneys ah oo asal ahaan laga soo minguuriyey BIRCOON oo ah erey ka tisan luuqadda QIBDHIYIINTA(oo ah dadka daga masar) laakiin markii danbe isku badashay Luuqadda Cibraaniga FIRCOON oo micnaheedu yahay naaneys la siiyo qofka dagan qasri weyn ama guri weyn.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
Wasiir Caan ah Oo Yiri” Fircoonka Qur,aanka lagu sheegay Waxaa uu ka Soo jeeedaa Sudan” iyo Culimo jabaab ka bixisay
-