WARARKAWasiir ka soo hor jeestay Go’aan ka soo baxay...

Wasiir ka soo hor jeestay Go’aan ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo+dadn badan oo wasiirka taageeray

-

Qoraal uu Wasiiru Dowle Wasiir Mahad Salaad kusoo daabacay bogiisa Facebook, ayaa waxa uu kaga hor yimid Hadal dhawaan uu sheegay Madaxweynaha kaas oo ahaa in abaal marin lacageed oo gaareysa 100,000 oo Dollar, la siinayo qofkii soo gudbiya ama soo sheega baabuur qaraxyo wada.

Wasiiru dowladaha ayaa ku tilmaamay Balanqaadka noocaasi ah in uu sahlaayo inay bataan Qaraxyada si dhaqaale loogu helo.

Nuqul kamid ah qoraalkiisa ayaa u qornaa ”Aniga waxay ila tahay Soomaaliya Amnigeeda inaan lagu sugi karin lacag la bixiyo ee waxaan u baahanahay Istaraatijiyad Qaran oo leh Mug Dhaqaale, Mug Ciiddan iyo Mug Abaabul Bulshadeed”.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mahad Maxamed Salaad, oo qoraal dheer kusoo bandhigay beejkiisa ayaa waxa uu kusoo bandhigay ilaa 3 Sababood oo uu ku micneynaayo dhibaatooyinka ka dhalankara.

Shabaab Sababta 1-aad:

Kaba soo qaad bishii in la soo sheego 10 Qarax, kharashka ku baxaya waxa uu noqonayaa hal million dollar. Kharashkaasna kama go’i karo Miisaaniyada Dowlada oo ku tiirsan oo kaliya lacagaha ka soo xarooda Dekada iyo Airport Magaalada Mogadishu iyo deeqaha laga sugayo Dowladaha Ajnabiga ah oo iyadana ku xiran shuruudo adag, ayna adag tahay in la fuliyo.!!!

Sababta 2-aad: Waxaa jiri kara Hay’ado iyo shaqsiyaad ka ganacsada qaraxyada been abuurka ah ee marar badan la sheego in la qabtay.

Marka waxay dhiiragelin u noqon kartaa Suuqa Madow ee Ka-ganacsiga Qaraxyadda !!!

3-aad: Kharajkaas la bixinayo waxay kooxaha Nabad Diidka ah u isticmaali karaan maaligelinta Qaraxyadooda. Tusaale ahaan: Baabuurta qaraxyada ay u isticmaalaan kooxaha Nabad Diidka ah qiimo ahaan waxay u dhaxeeyaan $5,000 ilaa $15,000 dollar.

Marka waxaa suuragal ah inta soo sheegaan hal gaari inla siiyo lacagtii ay ku meel gelin lahaayeen 10 gaari oo kale.!!! Sidaas daraadeed waxaan qabaa la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka inay u baahan tahay Istaraatijiyad ka ballaaran Lacag la bixiyo!!!

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in xirnaashiyaha waddooyinka muhiimka ah uu billaaban doono wixii ka dambeeya 5:00 galanimo ee maanta oo talaada ah.

Xirnaashiyaha waddooyinka ee marka madax shisheeye Muqdisho imaanayaan waxaa caan ku ahaa dowladdii Xasan Gurguurte madaxda ka ahaa waxaana muuqata iyo maamulka cusub ee Farmaajo uu maray wadadii xukuumaddii hore, malaayiin kamid ah shacabka Rayidka ah ayaa dhib kala kulmaya xirnaashiyaha waddooyinka.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...