Wax Dadka Aduunka Dhan Heystaan Balse Soomaalida U Baahaanyihiin!

Qormadani waxa ay ka jawaabi doontaa hal xiraalahan “Shay ay dadka aduunka oo dhan heystaan, Soomaalidan u baahanyihiin, hadii aad cuntana aad dhimaneyso?


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Qofka soomaaliga hadi aad weydiiso “shay dadka aduunka heystaan, soomaalidana u baahanyihiin? dabcan jawaabta aad ka sugeysa waxa ay u dhawaaqeysaa sidan “nabad ayaan u baahanahay, dowlad ayaa naga maqan, ama hadaladiis waxa ay ku dul wareegeysan doonan qabyaaladda ,ma hubo laakiin jawaabaha noocaasi ayey u badan yihiin, sababtoo ah qaabkaasi waa sida ugu fudud ee aan iskugu muujin karno in aan nahay dad saxan balse daruufta ay ka hiilisay.

Ii ogolow in kula wadaago sheekada “Dhagaxii Waahmiga(aan jirin) “, waa sheeko caruureed, hase ahaatee annaga ayaa ugu baahan ogaanshiyaheeda in ka badan caruurta.

Tuuladan duleedkeeda waxaa ku yaallay dhagax weyn oo buur camal ah , ilo biyo ayaa ka soo burqan jiray, dadka ayaase aaminsanaa in dhagaxa uu yahay mid sixran oo qofkii taabta ama u dhawaada uu ku dhimanaaya. sidaasi ayeyn sheekadani ka jiil ka jiil isku gudbin jireen.

Dabcan dhagaxa waxa uu ahaa”mid sixran” qaabkaasi waa sida dadka u fikiri jireen, ilaa ay timid maalin wax waliba ay isbadaleen.

Waxaa dhacay sanado abaar ah, oo dadku ay gaabis ku noqotay helitaanka biyaha iskaba daa wax la cunee, dadka ayaana ogaaday in aysan jirin meel biyo laga helo oo ka dhaw in “dhagaxii sixirka gacmaha lala galo”.

Dadki tuulada ayaa isku diyaariyey wax u muuqday “maalinta qiyaamaha”, waxa ayna go’aan ku gaareen in ay qiyaamaha gacantooda ku raadsadaan intii ay iyadu u imaan laheyd, laakiin markii la gaaray daqiiqaddii dhagaxa la jabin lahaa oo biyaha laga soo saari lahaa “qof walbo gadaal gadaal ayuu u noqday”, maxaa yeelay waxaa jiray qeyb hoos oo maskaxda ka mid ah taasi oo dadka u sheegeysay in ay “meel xun ku socdaan”.

Dhowr qof oo u badnaa dhalinyarro, oonka iyo baahida jirtana ay illowsiisay sheekooyinkii caruurnimada ayaa dhagaxii ku bilaabay jebis, natiijada ayaana noqotay “wixii ay arkeen waxa ay ka duwaneyd wixii ay u maleynayeen”.

Sida ay filayeen ma aysan arkin, masas, bahalo iyo waxyaabo sixir ah oo dadka dili doona, badalkeeda waxa ay jebiyeen dhagaxii isha qarinaayey, waxaana dadkii tuulada ay heleen “biyo badan”. Dhacdadaasi waxaa la sheega in ay xasuus noqotay oo dadku ugu magac dareen “dhagaxii wahmiga ahaa”.

Dib aan ugu laabano hal xiraalaheena “shayga Soomaalida ka maqan, dadka aduunkana heystaan, hadii aad cunta aad ku dhimaneyso”.

Jawaabta waa mid iska fudud, wixii dadka tuulada ay ka cabsan jireen, waxa dadka aduuna heystaan, iyo waxa soomaalida u baahanyihiin si ay is-badal u sameeyaan, dalkoodana u horumariyaan waa isku mid, waana “Waxbo”.

Kaftan Halis kaga digaya: Ha isku cunin “waxbo”, hadii kale waad dhiman doontaa!

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA