Wax Ka Baro Khaladaadkii Bil Gates..Muxuu Ka Yiri Hurdada?

La Wadaag Asxaabtaada

Bil Gates ayaa sheegay in uu aad u saameeyey buug ciwaankiisu ahaa “maxaan u hurudnaa?, Gates aya sidoo kale wax akhriska ku tilmaamay mid ka mid ah garbaha ay guusha ku duusho.


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

Bil Gates ayaa khudbad ka jeediyey xaflad qalin jebin oo uu soo qabanqaabiyey iskoolka Lakeside School ee ku yaala magaalada Seattle, iskoolkaasi oo ahaa kii ay isku barteen saaxibkiis Paul Allen, oo markii dambe ay isla aasaaseen shirkadda caanka ah ee “microsoft”.

Bil Gates ayaa sheegay in uu aad u saameeyey buug ciwaankiisu ahaa “maxaan u hurudnaa?, Gates aya sidoo kale wax akhriska ku tilmaamay mid ka mid ah garbaha ay guusha ku duusho.

Si Fiican u Hurud

Bil Gates ayaa sheegay, khaladaadkiisa in ay ka mid aheyd in uusan ku baraarugsaneen muhiimadda hurdada ilaa uu akhristay buugga “maxaan u hurudnaa? ee uu qoray qoraaga Matthew Walker.

Sidoo Kale Aqri..Luuqada Jirka..Wax Ka Baro Siraha Qarsoon ee Dunida Ficilka

Qoraaga buuga ayaa sirta hurdada ku soo gaabiyey halkan jumlad “ma jiro shaqo jirka aadanaha ka dhacda oo aan hurdadu saameyn ku laheyn” qofka uu hurda yari ay ku dhacdana waxa ay ku sababi kartaa xanuunada wadnaha, cayilka, iyo difaaca jirka oo hoos u dhaca.

Wax Dheeri Ah Akhri

Bil Gates ayaa dadka ku waaniyey in akhristaan bugaagta, xilligooda dheeriga ahna ay ku maalgashtaan wax akhriska.

Feejignaantiisa dheeriga ah iyo su’aalaha uu mar walbo is weydiiyo darteed waxaa laga yaaba in ay tahay waxa Bil Gates jecleysiiyey Akhriska, waxa uuna aad u jeclahay in qol gaar ah ama meel gooni ah wax ku ahkristo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada