Wax Walbo Oo Aad Uga Baahantahay Xiisadda Itoobiya

La Wadaag Asxaabtaada

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay “isbadalada” uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Taageerayaal careysan ayaa isagu soo baxay jidadka Adisabab iyaga oo ku dhawaaqayey Itoobiya “Ha Dhacdo”

Xiisaddan ayaa dhalatay ka dib markii Ra’iisal wasaare Aby Ahmed uu sheegay in aysan u dul qaadan doonin saaxafadda Itoobiya ee ku mashquulsan kala qeybinta shucuubta Itoobiya

Taageerada Balaaran ee Mr Jawar

Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladdii Itoobiya looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.

Sidoo Kale Aqriso: Scenario..Sidee Itoobiya Ku Noqon Kartaa Dhulka Dagaalkii 3-aad?

Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.

Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.

Mr jawar ayaa ku doodaya in Aby Ahmed iyo cid walbo oo timaadaba aysan ka aqbaleynin in la caburiyo Saxaafadda xorta ah

Dibadbaxyada oo ah kuwa rabshado wato ayaa waxa ay dibadbaxayaashu taageero u muujinayaa Mr Jawar, xaaladdu waxa ay hadda mareysaa “meeo xasaasi ah”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada