Wax Walbo Oo Aad Uga Baahantahay Xiisadda Somaliland

La Wadaag Asxaabtaada

Hargeysa Iyo Burca waxaa ka soconaya xariga,jirdil iyo caburin, Xilli siyaasiyiinta xisbiga waddani ay isticmaalayan lahjado adag oo ka dhan ah maamulka Muuse biixi.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa yiri “Saakay waxaa la soo weeraray xarunta Xisbiga, Dhamaan shaqaalihii ayaa la xiray, macala kuwii nadaafadda”.

Cirro ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga lagu haayo siyaasiyiinta Waddani isagoo Muuse Biixi ku sifeeyey “Kali tasi Digteytar ah”.

Sidoo Kale Aqri Baro..Jabhadda Axmed Gurey ee Dagaalka Ka Bilowday Somaliland

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa markii ugu horeysay gudaha u galay deegaanada Somaliland, iyaga oo si nabad gelyo ah kula wareegay deegaanka gacan-maroodi oo hoostaga magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Alshabaab in lagu arko gudaha Somaliland ma ahan arin mucjiso ah, sida ay aaminsanyihiin dadka u dhuun daloola arimaha Alshabaab waxa ay sheegeen in Abu-Zubeyr oo ahaa hogaamiyihii hore ee kooxda uu raadinaayey sidii Hargeysa oo ah gurigii uu ku dhashay uu mar un uga taagi lahaa calanka madow ee Alshabaab caanka ku tahay.

Ugu dambeyntii Maamulka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wajahaya khalalaasihii ugu adka tan iyo markii maamulkaasi oo ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada