Wax Walbo Oo Aad Uga Baahantahy Fayruska Hanta

Fayruska Hanta ayaa u muuqda mid isku badalaya “sheekada aduunyada”, xilli fayruska cusub ee Covid-19 uu sii wado in uu ku sii baaho aduunka.


Xaqiiqonews-Saynis/Caafimaad

Cudurkan ayaa shaac baxay ka dib markii nin shiineysa ahaa uu u dhintay, halka baaris ay galeen 32 qof kale oo looga shakiyey.

Isla markiiba waxaa dunida qabsaday hashtag ah “Hantavirus”, waxa uuna durbadiiba ka mid noqday sheekooyinka ugu badan ee laysku dhaafsaday Tuwiterka.

Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah warfidiyeenada aduunka cudurkani ayaa ka mid cudurada laga qaado xaywaanaadka uu ka mid yahay dooliga.

Sidoo Kale Aqri..3 fitamiin Oo Kaa Ilaalineysa Fayruska Karoona

Waxaa la xaqiijiyey in fayruska Hanta uusan ku gudbin karin qof ka qof, hase yeeshee cudurkani ayaa ku faafa dheecanada iyo kaadida xaywaanaadka gaar ahaan dooliga.

Goobaha uu cudurkan Naafeeyo

Fayruska Hanta ayaa weerara haamaha dhiigga jirka, taasi oo qofka ku sababeysa in uu kor u kaco cadaadiska dhiigga, waxaa kale oo astaamaha fayruskan ka mid ah madax xanuun aad u daran.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA