Wax Walbo Oo Aad Ugu Baahantahay Xiriirka Qaraxii Ex iyo Imaaraatka

La Wadaag Asxaabtaada

Qaar ka mid ah warbaahinta dibadda iyo sirdoono maxali ah ayaa masu’iiliyadda qaraxii ex(ekis) dhabarka u saaray Dowladda Imaaraatka.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Hay’adda sirdoonka Df-ka NISA oo soo xiganeysa Sirdoono Turkish ah ayaa soo saartay qoraal horudhac oo ay u magac bixinayeen qaraxii garan-waaga ah ee 28 diseembar ka dhacy isgoyska Ekis Kontarool.

NISA oo isticmaaleyso erayo diblomaasiyeysan ayaa tiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.”

Sidoo Kale Aqri..Gabar ku dhimatay qaraxii Ex, Oo Facebook ku sii qortay Dhimashadeeda!

NISA ayaa intaasi ku dartay “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis”

Inkastoo NISA aysan magac dhabin dalka La tahunsanyahy, qaar ka mid warbaahinta Turkiga oo soo xiganaya sirdoono Turkish ah ayaa sheegay in qaraxii Ex, ay ka dambeysay dowladda Imaaraatka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada