Waxa Ay Ku Guuleysatay 2.5 Milyan Oo Doolar..Maantase Macaawino Ayey Ku Nooshahahy

-

Waxaa muuqata xaqiiqada oraahda ah “wixii si fudud kugu soo gala si fuded ayey ku baxaan”, arintan waxa ay ku dhacday gabadhii ugu yareyd ee ku guuleysata Nasiibka loo yaqaan “Britain lottery”.


XAQIIQO NEWS- LAYAABKA DUNIDA

ka dib 18 sano oo ka soo wargeegtay markii ay ku guuleysatay lacag dhan 2.5 milyan oo doolar, callie rogers waxa ay hadda ku nooshahay xogaaga macaawinada ee ay dowladda ku caawiso, madaama lacagteedii oo dhan ay ka soo takhalustay.

callie Rogers ayaa aheyd guuleystihii ugu da’ yaraa ee ku guuleystay Nasiibka Biritan (Britain lottery) sanadkii 2003-dii, iyada oo barigaasi jirtay 16 sano, sida laga soo xigtay webseetka The Sun.

Markii ugu dambeysay, Rogers waxa ay iska jabisay baabuurkeeda xilli ay baabuurka waday iyada oo cabsan daroogada Kookayn, kolaakaasi oo markii booliska xereen laga warhelay in aheyd kashaantidii ku guuleysatay 2.5-ka milyan ee doolar.

Waxaa laga sheegay, markii ay heshay lacagtaas sidaas u badan, Rogers in ay qarash badan ku dhumisay camaliyaatka is-qurxinta, xaflado, soo iibashada dharka aadka qaaliga u ah iyo daroogo isticmaalka, iyada oo sidoo kale qoyskeeda iyo saaxibada ugu deeqday lacag 700 oo kun oo dolar.

Rogers oo mar ka hadleysay sida ay noolasheeda u burburtay ka dib markii ay noqotay milyaneer “maalin taajir ah”, waxa ay dalbatay dowladda in ay ka warheyso guuleystayaasha aadka u yar yar sideeda oo kale.

Rogers waxa ay iskaga nooleyda guri caadi ah ka hor inta aysan ku guuleysan nasiibka, markaasi wixii ka dambeeyey waxa ay guursatay nin kaasi oo noolasheeda geliyey dhibaato qoys -sida ay warka u dhigtay.

Xukuumadda Britain ayaa caruurteeda ka qaadatay markii Rogers ay madaxa la gashay “dunida daroogada”, waa arinta ku sababtay in ay qarash madaxaada ka weyn ay ku bixiso camaliyaatka is-qurxinta.

Rogers waxaa kale oo ay xustay in dad badani ay isku dayeen u soo dhawaanshaheeda markii ay ogaadeen hantida ay ku guuleysatay, taasi oo ku abuurtay dhibaatooyin nafsaani ah oo badan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...