Waxa Ay Ku Socdeen Tacsi Iyaga Ayaa Loo Tacsiyeeyey

-

Marka aad ku nooshahay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, daqiiqad walbo waxa aad filan kartaa “geeri”, geeri aadan xitaa ogaan karin cidda ku dishay, siiba marka aad ka baxdo guriga, waxaana tusaale kaga filan wixii saakay ku dhacay gaari dad rayid ay saarnaayeen.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dadka aan ogeyn dhacdadan , gaari noociisu ahaa baska yar ee gudaha looga yaqaan “hoomey” ayey miino kula qaraxday deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Gabar Kaliya Ayaa Badbaaday

Inta la xaqiijiyey waxaa geeriyooday 19 qof, dhowr kale ayuu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegay in baabuurka ay ka badbaaday hal gabar oo kaliya.

Qaraxan oo aan aheyn kii ugu horeeyey ee noocisa ah oo dad rayid ku dhintaan oo ka dhaca wadadan xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ayeysan jirin ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Sidoo Kale Aqri..Duqeyn Mise Dulmi Iyo Dambiyo Dagaal

Baabuurka qaraxa la kacay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen dad ku socday tacsi, degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha hoose.

Shalay Shabeelaha Dhexe Maanta Shabeelaha Hoose!

Intiina Wararka la socotay, waxaa ogtihiin in maalinimadi arbacada ee 27 May ay dhacday “dhacdo xanuun badan” oo lagu dilay 9 dhalinyarro ah oo ka shaqeeynaayey xarun caafimaad oo ku taala deegaanka Gololeey ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Tii Shalay ka dhacday Sh/dhexe iyo tan Maanta ee Sh/Hoose waxa ay iskugu imaanayaan hal gabogabo oo ah “lama yaqaan cidda dishay”.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...