Waa Kuma Xasan Abshir Faarax Oo Turkiga Ku Dhintay?

-

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ee xiligii dowladii C/ Qaasimi, Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday Ankara Turkiga, isaga oo jiray da’da 77 sano.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Sida ay sheegtay BBC-da, marxuunka ayaa in muddo la xanuunsanaa xanuunka Kansarka, isagoo labadii todobaad ee ugu dambeysay ku jiray qolka xaaladaha deg deg ah ee ICU-da.

Xasan Abshir Faarax oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa soo noqday duqii hore ee Muqdisho xiligii dowladii kacaanka Siyaad Barre, waxa uuna hadda ahaa xubin ka tirsan barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Xasan Abshir ayaa ka mid ahaa asaasayaashii maamul goboleedka Puntland, sidoo kale xiligii dowladi Cabdulaahi Yuusuf, Xasan Abshir waxa uu soo noqday wasiirka howlaha guud.

War kale oo arintaasi la mid ah, waxaa lagu soo waramayaa in magaalada Nayroobi uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaanshi , madaxweyne ku xigeenkii Puntland, kaasi oo xilka madaxweynenimo qabtay muddo lix bilood, ka dib markii Madaxweynihii Puntland ee xiligaas Cabdulaahi Yuusuf loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...