Waxaa La Xiray Dhaqtarkan Oo Xitaa Dugsi Hoose Ka Soo Bixin!

-

Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyarro ah oo ku shaqeysanaayey dhaqtarnimo muddo afar sano, kaasi oo la ogaaday markii dambe in uusan dugsi hoose xitaa soo dhameysan.


XAQIIQO NEWS- LAYAABKA DUNIDA

Ninkani dhalinyarada ee Hindiga ah oo lagu magacaabo Ferragandham Teja waxa uu ka soo shaqeeyey 16 isbitaal oo kuwa gaarka loo leeyahay ah, waxa uu ka soo qeyb noqday dhowr ka mid ah waaxaha caafimaadka ee askarta, waxa uu qaab folantiir ah kula shaqeeyey booliska Bengaluru intii uu socday cudurka Karoona, intaasi oo shaqo waxa uu qabtay isaga oo aan heysan xitaa wax shahaado caafimaad ah.

Sheekada Teja booliska ma aysan ogaanin, ilaa xaaskiisa labaad ay dhacwad ka gudbiso iyada oo ka andacooneysay dhibaatooyin uu ku haayey, markaasi oo booliska ay ogaadeen silsilado been ah, magacyo aan jirin iyo shahaadooyin macmal ah oo u isticmaali jiray ninkani.

Sarkaal booliska ka tirsan oo la yiraahdo Rachkunda, ayaa Teja ku sifeeyey “nin caqli badan”, oo dhowr mar booliska kaga baxsaday isaga oo iska dhigaayo dhaqtar.

Sanadkii 2016-kii, wax yar un ka dib markii uu bilaabay shaqadiisii dhaqtarnimada booliska Bengaluru ayaa gacanta ku soo dhigay Teja, ka dib markii lagu helay isaga oo iska dhigaayo sarkaal ka tirsan xabsiga, waxa uu markaasi adeegsaday dokumentiyo badan oo uu ku sheegtay in uu yahay wiilka sarkaal booliska ka tirsan.

Teja ayaa ku guuleystay in uu xabsiga ka baxsado, waxaana uu bilaabay shaqo dhaqtarnimo, waxa uuna ka shaqeeyey isbitaalo waaweyn,mana jirin cid ka shakisay madaama uu lahaa aqoonta asaasiga ee caafimaadka.

Baaritaanada ayaa lagu xaqiijiyey in Teja uu ka baxsaday guriga qoyskiisa sanadkii 2005, markii uu iskaga baxay iskoolka, magaalooyin dhowr ah ayuuna u safray, waxa uu ku shaqeeyey tareenada oo uu dhalooyinka biyaha ku dhax iibin jiray, waxa uuna la kulmay dhaqtar Purushottam Reddy, oo siiyey hoy iyo taageeo isagoo u heystay agoon.

Intii ay wada joogeen Dr. Reddy, Teja waxa uu aad uga helay dhaqtarnimada, awood ayuuna u helay in uu sameysto shahaadooyin been abuur ah,isaga oo la shaqeeyey isbitaalo uu ka helay khibradaha caafimaad ee u suurtagaliyey in uu dhaqtarnimo ku shaqeysto.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...