Waxaan Ahay 30 Jir Bikro Ah.. Ha Igu Caynin!!

-

Sirta Ugu Weyn ee naftedya aan ku qarsan jiray xitaa ma jecleyn in aan la wadaago asxaabta iigu dhaw laakiin maanta waxa aan la wadagaayaa dadka oo dhan, waxaan la wadagaayaa qof walbo oo sheekadeyda aqrisanaya, ku soo dhawoow sheekada ‘noolasheyda bikronimada’.


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Waagii aan biyaha ku cabi jiray “gacanta hooyadey” , waxaan u heystay adduunka in uu ka bilowda dhabta hooyadey isla halkaasna uu ku soo dhammaado, waxaan isku heystay qofka ugu nasiib badan maxaa yeelay waxaan ahaa qof xor ah oo noolashiisa aysan ka qasaynin dhibaatooyinka da’da ii keentay ee ay ka mid yihiin: isbarbardhigga, raadinta dhameystirnaanta, cabsida fikradaha ay iga aaminsanyihiin dadka kale iwm.

Riyada caruurnimadeyda waxa aheyd sida riyada cunug walbo maskaxda uga jirta ah ee ah, wax baro, ka dib shaqeyso ka dib guurso, marnaba xisaabta iiguma jirin in silsiladda noocan ah ay tahay mid dadka oo dhan aan loogu tala galin.

Sababta aan nolasheyda uga sheekeynaya ma ahan in aan ahay “cabasho” waxa aan cashirkan ugu tala galay in ay dadku ogaadaan in ay jiraan wadooyin aan aheyn kuwii nala soo baray in aan marno.

Hadda,Wax aan ayaan bartay, waxaan jiraa 30 sano, waan shaqeystaa waxaana aaminsanhay in aan saacado gudahood ku soo heli karo wax loogu yeero “naagta riyada” balse waxaaan doortay in aan bikronimadeyda ilaashada, qolkeyga kaligey ayaa dagan, waqtigii aan rabo ayaan dhuusaa, inkastoo aan qorsheynaya in arooso sanado ka dib, haddana nolasha hadda aan ku jiro wax dhib ah kuma qabo.

F.G: Sheekada kore waa sheeko dhaba ah, waxaana XAQIIQO NEWS la wadaagay qofkii sheekada lahaa isaga oo doortay oo kaliya in uu dadka la wadaago sheekadiisa iyo fikradiisa, waxaana sheekada qaabka ay u sameysantaahy iyo kalmadaha iska leh tafatirka XAQIIQO NEWS.

Da’dee Ugu Fiican Qofka In Uu ku Guursado?

DA’DA UGU FIICAN EE GUURKA WAA MARKA AAD IS MAHADISO DHAQAALO AHAAN IYO NOLOL AHAAN.

talo guur

kHubarradda shukaansiga waxa ay leeyihiin muhiim ma ahan tirada da’da qofka mana jirto da’a sax ah oo ay tahay qofka in uu ku guursado balse waxaa jira waqti sax ah oo ay tahay in qofka guursado.

Nabi Maxamed S.cw markii uu bixinaayey talada guurka marna ma uusan sheegin da’d cayiman laakiin waxa uu xusay mid ka mid ah shuruudaha ugu muhiimsan ee guurka oo ah “awoodda” waxa ayna culimadaku ku fasireen awood dhaqaale iyo mid jireed.

Ugu dambeyntii, Soomaalida waxa ay tiraahdaa waari meyside war ha kaa haro, da’da ugu fiican ee gabdhaha loogu guurin jiray waxa aheyd inta u dhaxeysa 15-20, halka wiilasha ay da’dooda loogu jecelyahay aheyd 20-25.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...