Waxbarashada Soomaaliya Maxey u Horumari La,dahay !?

-

Tiro xisaab la,aan ah ayaan maqlay su,aashan, waana su,aal aad u adag balse waxa aan isku dayaa in aan soo goobo, waan ogahay in arinkani uu yahay mid na dhaawacaya, hase yeeshee waa lama huraan in aan nafteena runta kula sheegeysanno.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.

Somaliya ma ahan waddan xasiloon, 30-kii sano ee ugu dambeeyeyna waxa uu ku soo jiray qalalaaso siyaasadeed, waddankana waxa uu u qeybsanaa “Hoogaamiye qabyaaldeed” kuwaasi oo aan fahamsaneyn xitaa  macnaha ugu yar ee noolasha !

         Xilligii Dahabiga ee Soomaaliya.

Hadii aad dib u fiiriso dhamaan wadamada  horumaray dhaqaale ahaan waa wadamada xoogga saaray tababarka Farsamada, hase ahaatee xitaa xilliyadii Dahabiga(wixii burburka ka horeeyey) Soomaaliya caan kuma aheyn farsamada waxaana dadka inta badan xoogga saari jireen barashada sharcigga(Low).

30-kii sano ee ugu dambeysay,  Qofka Soomaaliga ah waxaa uu ku noolaa xaalad “Jahwareer ah” waxaana sida musikada loo dhageysan jiray rasaasta qoryaha oo aqoonta kaliya aan u leenahay ay aheyd in aan ognahay in ay qof dili karto, balse mushkiladda maanta waa ay ka duwan tahay tii shalay.

Hadii aad ka mid tahay (Sideyda oo kale) kumanaanka arday ee nasiibka u helay in buugaag u xambaaraan goobaha waxbarashada, nasiibkana u u helay in ay iska bixiyaan lacagaha fudud ee waxbarashada, waa hubaal in aad adigaba soo ogaatay qaar ka mid ah qodobadan hoose.

-Caruur caqli leh oo la shuuqiyey: caruurtani waxa ay lumiyeen maskaxdoodii iyo wixii ay sawiran jireen oo ah in ay wax sameyn karaan sababtoo ah dugsiyada oo aan heysanin wax qalab ah  xitaa kuwa fudud !

-Macalimiinta: kala bara macalimiintaada  shaqadooda kaliya waa waxbaris, sababtana wax ay u noqoneysaa bilowgii horaba shaqadan waxa ay u yimaadeen in ay waayeen shaqo kale, sidaa darteed macalinka waa mid niyad jabsan waxa uuna diyaar u yahay in uu riyadaada dilo(inta badana isma oga in ay sidaa yeelayaan)  tani waa caan.

Shaqo L,aan: Sanadkii Seddexaad ama kii afaraad ee Jaamacadaada waxaad ogaatay in boosaska shaqo ee banaan ee waddankaada ugu tala galay dadka ka soo baxay kuliyaddan in ay  yihiin  Eber, sidaa darteed waxaad xaqiiqsatay in kuliyaddii aad baraneysay aysan ku fadhin wax qiimo ah.

-Ardayda: kumanaan arday oo ka soo qalinjebineysa dugsiyada sare ayaa si indha la,aan ah ugu biira ama dhigta maadooyin aysan jecleyn,  sababta ay u baranayaana ay tahay in kuliyadahan ay yihiin kuwa leh suuq, tani(waxbarashadani jeeb geliska ku dhisan) waxa ay ka mid tahay waxyaabaha keenay dib u dhaca waxbarasho.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...