[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Waxaa odayaasha dhaqanka Galmudug, markii ugu horeysay ka hadleen doorashada madaxweynaha maamulka oo dib uga dhacday, xilligii lagu ballamay, islamarkaana hada ballanku uu yahay 30-ka bishaan ee April.
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah dhaqankii wax ka dhisay maamulka ayaa sheegay inay fargalin doonaan doorashada, hadii 30- Apriil ay dhici weyso doorsho madaxweyne, waxaana uu ugu baaqay baarlamaanka inay ka dhabeeyaan doorashada, si waqti kale uusan u lumen.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa hore u sheegay inaysan dib uga dhaci doonin xilliga doorashada ee la qabtay, kuna asteysan 30-ka bisha, islamarkaana madaxweyne uu yeesho maamulka ay dooran doonaan.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]