Waxyaabo Dhab Ah Oo Warbaahinta Aysan Ka Sheegin Weerarkii New Zealand

La Wadaag Asxaabtaada

Inkastoo Dalka New Zealand lagu tilmaamo meelaha ugu nabdoon dunida, haddana weerarkii argigixiso ee lagu qaaday labo ka mid ah maasjidyada Dalkaasi ma aheyn weeraradii ugu horeeyey ee ka dhan ah muslimiinta dalkaasi.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Dhib malahan in aan aan idinla wadaagno qaar ka mid ah waxyaabihii aysan Baahinin warbaahinta intooda badan, kuwaasi oo ah dhacdooyin dhab oo ku saabsan Xasuuuqi NewZealand ka dhacay.

Sababta Dhacdada Ay Ugu Dhacday New Zealand

Arintan Maxaa ku soo Beegay in ay Ka Dhacdi si gaar ah New Zealand?

Waad Yaabi doontaa marka aad ogaato sababta.

Sababta ugu badan ee dadka weerarka qaaday ay u doorteen New zealand ayaa waxa ay tahay  in New Zealand aysan toogan doonin  dambiilayaasha.

Dalka New Zealand ayaa waxaa laga mamnuucay toogashada dambiilayaasha sanadkii 2007, halka Australiyana laga mamnuucay xakunkaasi sanadkii 2005.

Fuliyaha Weerarka Brenton Tarrant

Markii hore waxaa la baahiyey in Ninka Fuliyey weerarka Brenton Tarrant uu yahay 28 jir,  hase yeeshe arintani oo kaliya kuma eka maran habaabinta warbaahinta.

Brenton Tarrant sanadkiisa oo dhab waa 42 sano jir, waxaana iska dhalay labo waalid oo ka soo jeeda Britain,  kuwaasi oo asalkooda ah yahuud.

Qoyskiisa waxa ay ka soo haajireen Dhulka Falastiiniyiinta ee La gumeyto dagaalkii 1948, waxa ayna u qaxeen Ingiriiska iyagoo intaasi ka dib u sii guuray New Zealand.

Brenton Tarrant waxa uu aaday dhulka La gumeysto ee Falastiiniyiinta sanadihii 2017-2018 booqasho qaadatay muddo 6 bilood.

Ninkani ayaa ka tirsan xisbi yahuud ah oo fadhigoodu yahay Canberra, caasimadda Australiya, waxaan gudaha Australiya loogu yaqaanaa “Midigta Fog”.

Ka hor Weerarka

ka hor inta uusan weerarka dhicin, hareeraha masaajidka ayaa waxaa lagu aasay miinooyinka meelaha fog laga hago hase yeeshee booliska ayaa soo saaray qaraxyada, ka dib markii dadkii deganaa guryaha goobta ka ag dhawaa dibadda loo saaray.

Hubka La Adeegsaday

hubka uu isticmaalay ninka weerarka fuliyey waa hub “Atomaatik ah ” kaasi oo si iskiis ah iskaga dhacaya iyada oo aan la riixin Liifka.

Hubka iyo rsaastaba waxaa farsamadooda iska leh Dowladda Yahuudda.

Saacadaha Uu Socday Weerarka

Weerarka Toogashada ah ayaa socday 17 Daqiiqo iyo Afar ilbiriqsi, waa waqti ku filan in booliska ay ku soo gaaran goobta, waxaana la ogyahay in xarunta Booliska ay ka fogtahay masaajidka 2 Km oo kaliya.

Tani waxa ay Calaamad Su,aal Weyn dul saareysaa Saraakiisha amaanka New Zealand, New Zealand waxa ay ka mid tahy dowladaha la dagaalama Islaamka dadkeed ugu badana waxa ay  ku abtirsadaan Xisbiga midigta fog ee yahuudda.

Intaasi iyo ka badan oo qarsoon, maalmaha ayaana laga sugayaa in ay soo bandhigaan waxyaalo kale oo daah saaran yahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada