Waxyaabo La Yaableh..Waxaa Lagu Arkaa “Dalka Cajaa,ibka” Oo Kaliya !

La Wadaag Asxaabtaada

Hindiya ayaa sanad walbo soo jiidata tiro badan oo dalxiisayaal, madaama wadankani leeyahay xadaarad iyo ilbaxnimo fog,  laakiin qaar ka mid waxyaabaha cajaa,ibka ah ee uu ku tilmaamanyahay wadankani Aasiyaanka ah, ma garanayaan dad badan.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

-Sabab Diin Owgeed- Hindiya waxaa loo arka wadanka ugu badan ee  laga isticmaalo cuntooyinka dhirta maxaa yeelaya wadankani lagama cuno hilibyada qaar sida hilbka lo,da, isla qodobka kore darteed Hindiya waxaa lagu tilmaama wadanka dadkiisa ay heystaan diimaha ugu badan ee kala duwan, inkastoo 80% dadka ay  heystaan Hindus,waxaa jira malaayin kale  oo heysta diimaha kala duwan.

-Qoyska Ugu badan aduunka-  Hindiya ayaa ku raaxeysaneysa in ay tahay wadanka uu u dhashay ninka leh qoska ugu badan aduunka, waa ninka guursaday 39 naag, islamarkaana dhalay 94 caruur ah.

-Shaarbaha-  booliska ayaa magdhaw lacageed siinaya qof walbo oo waligiis aan iska xiirin shaarbaha, waxaana shaarbaha qofka leh loo arkaa “Nin culus” , sidoo kale caadadan ayaa waxa ay Hindiya looga arkaa dhaqan.

-Qoyska iyo Guurka- Hindiya waxaa loo arkaa meelaha uga xasiloon dunida, marka la eego khilaafka lamaanayaasha,  1% oo kaliya ayaa guurkooda furiin ku soo dhamaadaa.

Dahabka- Madaama gabdhaha Hindiya aad u xirtaan dahabka,  Dumarka Hindiyaa ayaa la sheegaa in ay heystaan 11% Dahabka dunida yaala.

Marka la xisaabiyo Dahabka ay heystaan Hindiyaanka, waxa ay ka maal badan yihiin qaar ka mid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan aduunka sida Mareykanka, Jarmalka , SawisirLand iyo sunduuqa  Lacagta aduunka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada