Wararka inaga soo gaaray Degamada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka fuliyeen Xarumo iyo Saldhigyo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.
Duqeynta waxaa ay ka dhacday Deegaanka Mubaarak la yiraahdo oo ka tirsan Degmaa Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana diyaaradaha Markii ay duqeymaha ka fuliyeen halkaas ka soo degay Ciidamo kuwaas oo dagaal toos ah la galay Al-Shabaab.
Meelaha ay ciidamada Diyaaradaha duqeeyeen waxaa ku sugnaa sida la xaqiijiyay saraakiil sare oo ka tiran Al-Shabaab inkastoo aan la’ogeyn khasaaraha Al-Shabaab halkaa ka soo gaaray.