Weerar Internet-ka Kii Ugu Cuslaa Uu Mareykanka La Kulmo Muddo 5 sano ah

La Wadaag Asxaabtaada

Ma’uulyiin ka tirsan maamulka Trump ayaa axaddii la soo dhaafay qiray in haakaris ay jabsadeen E-mail-adii wasaaradda Maaliyadda iyo waaxda ganacsiga-sida ay qortay jariidada New york times.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Wargeyska ayaa ka dhawaajiyey jiritaanka weeraro kale oo jabsi ah balse aan la shaacinin kuwaasi oo baaris ay ku socoto.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay mas’uuliyiin sar sare in uu socdo baaris ku saabsan jiritaanka jabsasho loo dhacay meelo kale oo dowladeed kuwaasi oo la baarayo hadii ay dhibbane u noqdeen weerar lagu tilmaamay midkii ugu cuslaa uguna horumarsanaa ee ay la kulmaan hay’daha federaalka muddo 5 sano ah.

Sidoo Kale Aqri: Sidee Taleefoonkaada uga ilaalin Kartaa In La Jabsado?

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa todobaad ka dib markii hay’adda amniga qomiga ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku aadan isku dayo Ruushka uu uga faa’ideysanaayo goobaha taagta darran ee Federaalka Mareykanka.

Wax yar un ka dib digniinta, shirkadda Fire eye,oo ah shirkad maamusha ammaanka xagga saaybarka, ayaa iclaamisay in kooxo ajnabi ah ay xadeen macluumaadka iyo goobaha jilicsan ee macaamiisheeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin hay’daha Federaalka.

Baaritaanada ayaa tilmaamay suurtagalnimada ku lug lahaanshiyaha kooxda sirdoonka ruushka ee “S.V.R.” ay ku lugleeyihiin weerarka xagga Saaybarka ee shirkadda lagu qaaday.

Hadii ay cadaadto ku lug lahaanshiyaha Ruushka ee weerarka, dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu weyneyd uguna horumarsaneyd ee Mareykanka ka soo wajahdo dhinaca Moskow, tan iyo 2014 iyo 2015, xilligaasi oo sirdoonka Ruushka uu u dhacay e-mailada aan sirta aheyn ee aqalka cad.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada